Kooxda Totenham oo Canaanatay Everton vs Man utd oo iska weysay Wax Horusocod ah Xili ciyaareedkaan 2013-2014

Monday, February 10, 20140 comments

Kooxda Totenaham ayaa Gool uu qalinka ku duugay weerayahankooda Reer Togo Emanual Adabayor ku samirsiiyay Kooxda Everton oo ay ku Dagaalamayeen Cida Xaqiijineysa Kaalinta 5 ee kala horeynta Horyaalka Ingiriiska 2013-2014 oo gud agalay Meertadiisii 25 ee wareega Hore.

Kooxda Totenham oo Marti loo ahaa waxa ay dhaliyeen Goolkooda Guusha daqiiqadii 65 waxaana qalinka ku duugay Adebayor Goolkaasi oo Kooxdu ku hiigsatay Kaalinta 5 iyagoo Habaaska ku qariyay Everton  oo Kaalintaasi kula loolameysay waxana ay kala leeyihiin Totenham vs Everton 47 dhibcood Totenham halak Everton oo u dhacday Kaalinta 6 ay ka leeyihiin 45 dhibcood.

Kooxda Mudooyiinkaan ku jirtay Xaalada Horusocod la,anta ee Man utd aaya iyaduna Gurigeeda Barbardhac 2-2 kula gashay Naadiga Fulham Oo Kalainta ugu Dambeysa ee 30 la taagan 20 dhibcood.

kulanakan oo Man utd inta uusan dhicin iksu diyaarineysay inay xero gashtaan 3 dhibcood ayay u suurta gali weysay Riyadaasi,waxaana Goolka ku hormaray Fulham Daqiiqadii 19 Goolkaasina waxaa u dhaliyay Sidwell qeybtii hore ee ciyaartana waxaa lagu akal anstay 0-1 ay ku hogaaminayeen Kooxda Fulham.

isku soo laabadkii ciyaarta Man utd waxa ay goostay Furka waxaan 2 gool u kala xaqiijiyay Daqiiqadihii 78 iyo 80 Weeraryahankooda Van Peirse iyo xidigooda qadka dhexe Carrick,hase ahaatee Fulham waxa ay iska diiday in 3 dhibcood looga qaato Garoonka Man utd waxana goolkii Barbaraha qalinka ugu duugay weeraryahankooda D.Bent.

Kooxda Difaacashada Horyaalka ingiriisku ka burburay Xili ciyaareedkaan e Man Utd waxa ay Kalainta 7 ku fadhidaa 41 dhibcood,waxana xili ciyaareedkaan 2013-2014 ay taageerayasha Man utd u hibeeyeen hanashada Horyaalak Kooxaha safka hore ku dagaalamaya ee xifaaltanku Man utd akal dhexeyn jiray

N.B la arki doonee Man utd sida ay uga sariigato Horusocod la,anta ku habsatay Xili ciyaareedkaan 2013-2014

Waxaa Diyaariyay.
Axmed Maxamed Cabdulle' Uurdoox'
Uurdoox2013@gmail.com











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog