Sheeko Cajiib ah oo wax badan ka turjumeysa: Ma Hanbaa Horumar Lagu Gaaraa Mise Hiigsi Daneed

Monday, February 17, 20140 comments

Hadalhaynta bulshada soomaaliyeed inta badan waxaa laga dhadhamin karaa inay u bateen in dhabarka looga fadhiyo Somalia oo la kici la,dahay aduunka ( beesha caalamka ) oo aan diyaar u ahayn inaynlugaheeda isku taagto ,waxaan is leeyahay taasi waa mid aan run ahayn waayo soomaali ayaa hore ugu maah maahday ( Ruqayo geel oo ninkii lahaa dabada Uga fadhiyo ma kacdo ) ruqayo waa hasha geela ah ee da,ada ah islamarkaana tamarta daran ,taasoo macnaheedu yahay dadka soomaaliyeed iyaga iyo hogaankoodu hadii ay daacad ka yihiin inay cadaalad helaan waa ay gaari karaan yoolkooda ay higsanayaan dowlad xoog badana way heli karaan .

Tusaale wanaagsan waxaa inoo noqon kara dowlad kasta oo lasoo dhiso waxaa hareeya marka ugu horaysaba ama lagu xantaa musuq maasuq iyo cadaalad daro ka jirta gudaheeda ,iyadoo ay jiri karaan dadaalo dhinacyo badan leh oo soconaya Garsoorku waa cadaalada waa tiirka ugu muhiimsan ee la oran karo waa kan kala saari kara xaqa iyo baadilka taasina ay bulshadu ku heli karaan kalsooni ,wanaag iyo taageero ay dowladooda siiyaan laakin hadii ay noqoto ninkii tunweynoow ama tabar lahoow ku talaabso waxaa
meesha ka baxaya xaqii dowlad looga baahnaa ,waxaan is leeyahay garsoorka iyo cadaalad hadii la helo waxaa meesha ka bixi lahaa nabad la,aanta oo waxaa walaalo mataano ah cadaalada iyo nabada

Bal ila dhuuxa sheekadan oo aan is leeyahay waxay tusaale u tahay wanaaga iyo xumaanta fariga u dhexeeya .

Waxaa hal geel ah wada lahaa ladqabo iyo lilaahi , hashii ayaa Oontay oo biyo u baahatay , ladqabo ayaa tidhi lilaahiyey hasha aan soo waraabsano ' lilaahi hayehe soo kaxee hasha aan soo waraabinee ayay tidhi .

Ladqabo waxay soo kaxaysay hashii oo Ooman , lilaahi waxay ladqabo la kaxaysay hashii , waxaa la tagay Ceelkii hasha laga waraabin lahaa .

Waxaa la tagay Ceelkii oo biyo yarood ah ,Ladqabo ayaa tidhi lilaahi adigu Ceelka gal oo hasha biyaha u soo miir , lilaahi haye waan yeelayaa ee ii qabo xadhiga aan Ceelka u dagee. Lilaahi waxay gashay Ceelkii , waxay soo dhurtay biyihii nadiifta ahaa si hashu ay biyo nadiif ah u hesho, hashii waa la waraabiyey , markii hashii ay cabtay ayaa ladqabo lilaahi xadhigii u goysay hashiina iska kaxaysatay .

Lilaahi talo ayaa ku cadaatay , sidee yeeshaa , xaal muxuu noqon doonaa ma sidaas ayaad ku abaadi doontaa mise gargaar ayaad heli doontaa .

Halkaas iyadoo xaal marayo ayaa waxaa yimid Ceelkii Jin xoolo badan wata oo doonaya in ay Ceelka xoolahooda ka waraabsadaan ' sida laga warqabona xoolaha Jinka biyaha waa iska cabaan oo looma miiro .

Marka Jinku wadaanta soo rido ayuu markiiba biyaha u daraa oo si deg deg ah kor ugu raaciyaa , Jinkii ayaa yaabay oo wuxuu Jimankii kale u Yidhi war Ceelku Caawa waa nacaawinayaa ' Jimankii kale ayaa Jinkii ku yidhi maxaad aragtay , Jinkii ayaa ku jawaabay marka aan wadaanta Ceelka daroba waa ii soo deg degaysaa.

Mid Jimankii ka mida ayaa ku jawaabay malaha dadbaa ku jirta , hadii la eegayba nin ayaa salka Ceelka fadhiya ' war maxaad ahayd , waxaan ahaa lilaahi ' lilaahida aan maqalaa maadigaa ; lilaahi haa waa aniga , Jimankii soo bax oo boqolkaas halaad qaado.

Lilaahi oo boqolkii halaad wadata ayaa soo aaday dalkii ay daganaayeen lilaahi waxay aragtay ladqabo oo hashii ay isku rafaadsan yihiin oo meel ay u kaxayso la, ladqabo Allah! Lilaahi xagee waxan oo Geela ka heshay " lilaahi Ceelkii aad igaga tagtay .


Ladqabo hashana ku darso anigu Geel badan ayaan Ceelkii u doonanayaaye . Ladqabo waxay gashay Ceelkii ' markii ay saacado ku jrtay , ayaa waxaa Ceelkii yimid dad xoolo doonaya in ay ka waraabsadaan , dadkii waxay Ceelkii ku soo rideen wadaan ' ladqabo ayaa wadaantii isku duubtay oo biyihii u diiday .

Dadkii waa yaabeen war Ceelka maxaa ku jira ayaa la is weydiiyey ' Ceelkii ayaa hoos loo soo eegay mise nin ayaa dhex fadhiya ' war maxaad ahayd , ladqabo ayaan ahaa oo maxaad doonaysay , waxaan rabaa in xoolo badan aan helo .

Soo bax aan xoolo badan ku siinee , ladqabo oo is leh maanta ayaad fakhrigii tuurtay ayaa Ceelkii ka soo baxday ' banaanka markii lagu hubsaday ayaa wixii qof waliba gacanta ku hayey kula dhaqaaqay oo korkeeda ayaa si deg deg nabarku ugu kulmay ' saacad ka bacdi ladqabo waxay ahayd mayd .

Halkaas ayaa ladqabo lagu waayey ,lilaahina reerihii oo dhan gacanta ugu dhigtay. Hadaba hadii la helo cadaalad,daacadnimo iyo lilaahi ku jirto lagana
xoroobo qabiilka ,xaasidnimada dulmiga sow lama heli karo dowlad xoog badan oo bulshadu ay jeclaan lahayd jawaabtu waa idinka >>>>

Waxaa Qoray : Yaasiin maxamed cali ( Yaasiin Faytin )
Yaasiinfaytin@gmail.com
Facebook : yaasiin faytin











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog