War Deg Deg Ah: Dowlada Turkiga oo jartay Dhaqaalo Toos ah ay ku taageeri jirtay Dowlada Soomaaliya

Saturday, February 15, 20140 comments

Wakaaladda wararka Reuters ayaa daabacday war sheegaya in dawlada Turkiga ay si rasmi ah u joojisay taageerada tooska ah ee ay siin jirtay dawlada Soomaaliya inkastoo uu sii socon doonto dadaalka dib u dhiska Soomaaliya ee Turkigu wado.

Warkaan oo ay wakaaladu sheegtay inay kasoo xigatay wasaaradda arrimaha dibbadda Turkiga ayaa waxaa lagu sheegay in la joojiyay dhaqaalo toos ah oo ay xukuumadda Ankara siin jirtay dawlada Soomaaliya waxaana bixinta dhaqaalahaas la joojiyay sanadkii naga dhamaaday ee 2013,ka.

Sargaal aysan wakaaladu magaciisa shaacin hase ahaatee ka tirsan wasaaradda arrimaha dibbadda Turkiga ayaa sheegay in dawladiisu ay sanadkii hore joojisay dhaqaalo toos ah oo ay dawlada Soomaaliya siin jireen.

Diblomaasigaan waxaa uu hadalkiisa ku sheegay in dhaqaalihii tooska ahaa ee ay siin jireen dawlada Soomaaliya uu ku ekaa bishii December ee sanadkii hore.

Lama oga inta uu dhamayn lacagta Turkigu siin jiray dawlada Soomaaliya hase ahaatee Reuters ayaa sheegaysa in xukuumadda Ankara ay dawlada Soomaaliya siisay sanadkii tagay lacag dhan 110 Millon oo Dollar.

C/raxmaan Cumar oo mar noqday gudoomiyaha bangiga dhexe ee Soomaaliya ayaa wakaaladaan u sheegay in intii uu xafiiska joogay uu ogyahay in dawlada Soomaaliya ay Turkida ka heli jirtay 4.5 million oo Dollar bishiiba taasoo ku dhici jirtay qasnada Bangiga dhexe ee Soomaaliya.

Wakaaladda aanu warkaan kasoo xiganay ee Reuters ayaa waxaa ay sidoo kale leedahay dawlada Soomaaliya waa ay xaqiijisay inuu ka joogsaday dhaqaalo toos ah oo ay dawlada Turkiga ka heli jireen.

Mas’uul ka tirsan dawlada Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in sanadkii hore uu ka istaagay dhaqaalihii ay Turkiga ka heli jireen hase ahaatee ay hadda rajaynayaan inuu dib u bilowdo.

Afhayeen u hadlay hay’adda samafalka Turkiga ee TIKA oo Soomaaliya ka shaqaysa ayaa sheegay in dhaqaalahaan laga joojiyay dawlada Soomaaliya uusan saameyn ku yeelan doono howlaha gar gaarka ee ay Soomaaliya ka wadaan sida dib u dhiska I.W.M.

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya oo arrintaan wax laga weydiiyayna waa uu ka gaabsaday inuu ka hadlo sida ay Reuters sheegtay.

Dawlada Turkiga waa dawlada ugu weyn ee xilligaas Soomaaliya taageerta waxaana Turkidu dalka ka wadaan mashaariic dib u dhis ugu weynyahay.












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog