Xarakada Al-shabaab oo amar yaab leh kasoo saaray isticmaalka Mootada 3-da Lugleh

Tuesday, February 25, 20140 comments

Kooxda Al-shabaab ayaa Qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho ka Mamnuucay in ay ka Shaqeeyaan Mootooyinka Saddex Lugooleeyda ah ee Soomaalida ay u Taqaano Bajaajka ama dhug dhugleey.

Mootooyinkaan oo Labadii Sano ee ugu Danbeeyey ku soo batay Magaalada Caasimadaa ee Muqdisho ayaa waxaa ay Noqdeen kuwo intabadan ku faafay Xaafadaha Magaalada Muqdisho .

Wakiilka Al-shabaab ugu magacaaban Gobolka Banaadir Cali Max’ed Xuseen “Cali Jabal”ayaa sheegay in Mootooyinkaasi aysan ka Shaqeyn Karin Degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir,oo ay ka mid yihiin Hiliwaa iyo Deyniile.

Cali Jabal ayaa sheegay in Mootooyinkaasi ay lee yihiin Dad Cadaw ah,oo Dowladda Federaalka la Shaqeeya,waxaa uu Xusay in ay dalka u Joogaan Basaasnimo sida uu sheegay.

“waa dil Cidii Wadata Mootooyinkaas oo aan Qabano,Waa Basaasiin Cadawga  u jooga Soomaaliya,Wasiiro iyo Xildhibaano ayaa Raaca inta badan”ayuu yiri Cali Jabal.












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog