XOG CuluS: Tarsan oo maalmahan soo socdo weyn doono xilkiisii uu kahayay magaalada muqdisho iyo halkuu aadi lahaa

Friday, February 14, 20140 comments

Gudoomiyaha gobalka Banaadir Ahna duqa magaalada Muqdisho oo maalmaha soo aadan xilkaasi weyn doona ayaa ka hadlay waxa uu qaban doono hadii xilkaasi laga qaado.

Waxa uu sheegay in isaga uusan horay ugu laaban doonin dalkii uu ka yimid, hase ahaatee uu la shaqeyn doono intii muddo ah dadka xilalka uu haayo loo soo magacaabo.

“Aniga ilaa dadkii I bedalay ay wax cad ka qabsadaan kama tagaayo, howlwalba halkii ay mareysay ayaan ku wadeynaa, waxaana rabaa in gobalka isaga oo ii xiiso qabo inaan ka tago”

Waxa uu dhanka kale ku faanay in magaalada Muqdisho wax badan uu ka qabtay, islamarkaana wixii uu qabtay aanay jirin cid dafiri karta.

Dhawaan ayaa Tarsan waxa uu weyn doonaa xilkaasi, waayo waxaa diyaarsan wareegtadii lagu soo magacaabaayay Gudoomiyaha gobalka Banaadir iyo duqa magaalada Muqdisho.









_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog