7 iska tuura 7 ku toosa.!! (Warbixin Culus)

Friday, February 14, 20140 comments

Waxaa maalmahan aad usii xumaanayay amaanka magaalada Muqdisho oo ah caasimadda Somalia oo ay dad isku dhex gabanayaa ay siyaalo kala duwan amaankeeda u wiiqayaan, taasoo sida muuqata aysan dowladdu isku dhibaynin inay wax ka qabato iyadoo madaxwaynihii dalka ka tegey isagoo sida la yiri dalxiis ku maqan waxaa sidoo kale jira warar sheegaya in Wasiirka 1-aad uu isna Jabuuti u dhoofi rabo, waloow aan warkaas weli la hubin.

Hadaba maxaan ogaannay

1 – In hay’adaha amnigu aysan daacad ka ahayn xasilinta amaanka.

2 – In hay’adda ay reer Galbeedku samaysteen kadib dagaalkii ay iyagu isla galeen ee ay aduunka u saariyeen 1945-kii ee lagu nabay magaca QM ay ka mid tahay hay’adaha lug jiidaya inay Somalia soo noqoto iyadoo la daba socota wax tashwiish iyo dacaayad u eg, waloow ay dowladdu aysan malaa’ig ahayn misna qaabka iyo goorta lagusoo aadiyo ayaa tuhun keenaya.

3 – In madaxda sare ee dowladdu aysan dareensanayn culayska ay leedahay mas’uuliyadda ay qaadeen xilligan xasaasiga ah ee loo baahan yahay hogaan adag (strong leadership) oo misna wadani ah, waxaadna ka dheehan kartaa dhaqankooda.

4 – In dad ku bahaloobay dagaalladii sokeeye oo ay ganacsato iyo unugyo qabyaaladeed ka mid yihiin ay Al Shabaab ugu gabanayaan gaarista dano gurracan oo khaas ah ee aysan sheekadu Al Shabaab kaliya ahayn.

5 -  In ay khalad wayn ahayd in dalalka deriska ah lagu soo daro howlgalka aan ilaa hadda miro la taaban karo dhalin ee AMISOM oo haatan usii muuqanaya mushahar urursi.

6 -  In Soomaalida ay ku bateen dad fursad gaad ah oo geed gaaban iyo mid dheerba u fuulaya inay kursi helaan, kuwaasoo aan lahayn dhadhan Islaam, mid wadaniyeed, qiyam & akhlaaq shakhsi ah xitaana aan xeerinin QABYAALADDA beenta ah ee ay dadka wax ma garadka ah ku howl geliyaan.

7 – In ay dowladda ku jiraan rag ugu biiray inay mushahar uun ka qaataan ama xitaa dibin daabyeeyaan ee aan wax wanaag ah Somalia la rabin iyagoo xeerinaya dano shakhsi ah ama gaar ah.

SOO JEEDIN…

Dalku labadii sanadood ee u dambeeyay aad buu hoos ugu dhacay, rajooyinkii la qabayna way sii xumaanayaan, xitaa waxaa sii xumaanaysa midnimadii umadda, sidaa darteed waxaan dowladda Xasan Sheekh Maxamuud usoo jeedin lahaa:

1 – Inay turubka baandheeyaan ama haddii aan sida kale u iraahdo ay meesha ka saaraan ragga la jira misna ka jira ee calooshooda u qaraabanaya ama qaramo iyo qoomam kale u tabcan.

2 – In wax laga bedelo habacsanaanta ka muuqata dowladda ee la dareemo culayska ay howshani leedahay, meeshana laga saaro safarrada badan iyo dalxiis aan waqtigiisii la joogin.

3 – In si firfircoon loo wajoho dadka lagu helo inay umadda fasaad kula dhex wareegayaan, diinta Islaamku xitaa meel adag ayay ka istaagtay dadkaasi oo waxay soo jeedinaysaa in la dilo, in la daldalo, in gacmo iyo lugo is dhaaf ah laga jaro, ama in la masaafuriyo, balse wasiir dowladda ka tirsan baa lahaa ”Qofka haddii cadayn lagu waayo waan iska sii daynaynaa 24 saac kadib” ciyaarta umadda hallaga daayo reer Galbeedka dimoqdraadiyadda beenta ah umadda u sheega laftoodu sidaas kuma sii daayaan qof umad dhan amaankooda khalkhal ku haya.

4 -  In la dhiso ciidamo akhlaaq iyo aragti qaran leh oo Soomaaloo dhan ka kooban iyo in kuwa ku doodaya beel baa la hubaynayaa ay dowladda kala shaqeeyaan sidii lagu dhisi lahaa ciidamo isku dhaf ah halkii ay mucaaradnimo la taagnaan lahaayeen – hadii kale waxay u muuqanayaan dad uun kasoo horjeeda inuu dalku dhibka ka boxo oo madax banaani helo.

5 – In lala xisaabtamo oo lala garramo ama laga gar boxo QM, gaar ahaan hay’adeeda Monitoring Group oo ay dad badani aaminsan yihiin in warbixinnada ay soo saaraan ay u egyihiin istaraatijiyad lagu carqaladaynayo dib usoo celinta dowlad Soomaaliyeed oo awood leh.

6 – In dadka aan xil-gudashada lahayn laga xayuubiyo oo xilalkooda loo dhaariyo dad ay dhab ka tahay inay dalka wax u qabtaan iyo inaan la bedelin dadka wax qabanaya sida wasiiraddii adeegga bulshada Dr Maryan Qaasim oo ay dad badani aad uga xumaadeen xil ka qaadista aysan mudnayn ee la mariyay.

7 – In dadka amaanka ku ciyaaraya ay goows-dambeedka ku qabsadaan inaysan noocaas sacaado aduun iyo mid aakhiro toona ku gaaraynin sidaa darteed ay ka waantoobaan oo ay ALLE xusuustaan iyo xisaabta aan fogayn ee Qiyaame, midda kale haddii aan la iman wayno talo urursan oo ku dhisan dan qaran ogaada waxaa xigi doona in nala wada dullaysto marka ha shidin dab aanad ka badaadi doonin laftaadu.

Haddii aan intaa la yeelin waxaa soo duxi doontaa dabuuntii caanka ahayd ee oranaysay:

“Baadida nin baa kula daydayi, dadaalna kaa badane

Oon misna aan doonahayn inaad heshana daa’in abidkaaye

“Dadkuna moodi duul wada dhashoon, wax u dahsoonayne’

Mana hubo inay madaxda sare laftoodu xayndaabkaa ka maqan tahay.

Wabillaahi Toowfiiq…


Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji Xuseen Raage












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog