Af-hayeenka AMISOM oo ka been sheegay tirada ciidamada Itoobiya ee ku biiray ,Waa maxayse saameynta ay leedahay joogista ciidamo Itoobiyaan ah ?

Saturday, March 8, 20140 comments

Af-hayeenka howl galka Amisom ee Soomaaliya ninka Jabuutiyaanka ah, ayaa dhawaan shaaca ka qaaday in ay ciidamada Ethiopia ku biireen howl galka Amisom,waxa uuna Af-hayeenkaasi sheegay in ay gaarayaan ciidamada Itoobiya ee ku biiray howl galkooda ku dhawaad Shan Kun oo askari.hadaba miyey ka been sheegtay Amisom tirade ciidamada Itoobiya ee soo gashay dalka ?

Anigoo ka jawaabayo su'aashaasi iyo su'aale kale oo la xiriira soo gelista ciidamada Itoobiya ee gudaha Wadan iyo saameynta ay ku yeelan doonto mustaqbalka Wadanka haday ahaan lahayd dhinacyada Amniga,Siyaasadda iyo Bini'aadamnimada.

Sida aan arkayeyney dhowrkii Usbuuc ee la soo dhaafay waxa ay ciidamo badan oo Itoobiyaan ah soo galeen gobolo badan oo ku yaallo Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya sida Galgaduud,Hiiraan,Bakool,Baay iyo Gedo,Waxa ayna arintani muujineysaa in ay ciidamada Itoobiya ka badan yihiin tiradii la sheegay taasoo ah khiyaano weyn oo ay Amisom sameysay.

Sida aan ku barangay ciidamada Itoobiya ee xalaashaday dalkan beylahda ah,Waxa ay Wadanka ku soo galaaan ciidamo badan oo awood u leh in ay duulaan qaadaan islamarkaana ilaashan kara wadada ay sahayda u soo marto,Waana midda cadeyneysa in ay ka badan yihiin Shantii Kun ee la sheegay.

Waxaa Iyadana cadeyn kale ah caqiidada ay aaminsan yihiin ciidamada Itoobiya ee oroneysa isticmaal awood xaddhaaf ah iyo wax alaale iyo wixii aad heli karto si aad u gaarto guul deg deg ah,Waxaana taasi suurta kalin karta oo kaliya ciidamo badan,Sidaa daraadeed suutagal ma'ahan in Shan Kun lagu sheego ciidaman daadsan doolow ilaa Baydhaba,Sidoo kale soo buuxdhaafiyey gobolada Hiiraan,Galgaduud iyo Bakool.

Waxaa Iyadana cadeyn kale ah hadalkii Wasiirka Arimaha Dibadda ee Soomaaliya C/raxmaan Bayle mar la weydiiyey tirade ciidamada Itoobiya ee ku biiray howl galka Amisom waxa uuna yiri " Tirada ciidamada Itoobiya waxa ay ku xirnaan doontaa hadba shaqada la qabanayo".taasoo cadeyn kala ah.
Dhinaca saameynta waa mid u xun dowladda federaalka iyo Amisomba maxaa yeelay ciidamada Itoobiya lagama jeclo dalka Soomaaliya shaati kastaaba ha loo geliyo, Waana midda igu kaliftay inaan qoro Maqaalkan iyo Maqaalo kaleba Anigoo uga digayo Khamaarka ay ciyaareyso dowladda Federaalka waayo Amxaar waa Amxaar.

Maadaama ay Itoobiya haysato dhul Soomaaliyeed sidoo kalena ay qeyb ka ahayd dagaaladi sokeeye ee ka dhacay dalkan,Iyadoo marba taageereysey koox ay ku shaqeysato si ay ugu gaarto danaha ay ka leedahay Soomaaliya ee ah ha dhiman hana nolaan, Waxaa u fiicneyd in ay ku ekaato xuduud beenaadkeeda si ay Iyadana u badbaaddo Soomaaliduna u badbaadaan.

Maadaama ay dowladda Federaalku tahay dowlad curdan ah, Sidoo kalena ay dagaal adag kula jirto kooxda Al-shabab uma fiicneyn waqti xaadirkan in ay kaalmeysato ciidamo Itoobiyaan ah Shaar kastaaba ha loo geliye, Sabab too ah waxa ay ku weyneysaa taageero badan oo ay ka heli lahayd Shacab weynaha Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Wadaniyiinta ah ee og dhibaatadii ay Itoobiya ka geysatay Muqdisho iyo gobolada Koonfureed.

Sida ay xeeldheerayaashu aaminsan yihiin howl galkan ayaanan soo kordhin doonin wax faa'iido ah maadaama aysan diyaarsaneyn ciidamo Soomaali ah oo dhisan kuwaas oo la wareega amaanka goobaha laga saaro kooxdan talo diidka ee Al-shabab,Waxa ayna sheekadu u eg tahay Walaalow ii xuree hadana ii haay,taasoo sii dheereyneysa sii joogista ciidamada Shisheeyaha.

Sida ay aaminsan yihiin dadka yaqaana Itoobiya waxa ay leeyihiin ku biirista ay ku biirtay Amisom waxa ay fursad u siineysaa in ay sida ay rabto u walaaqdo dalka Soomaaliya sidoo kalena ay dib isugu soo uruuriso taageerayaasheedii,kuwaas oo aan u bixiyey Isbahaysiga Walaalaha Zanawi si ay mar kale dib ula wareegaan talada dalka.

Waxa ay saadaalinayaan dadka yaqaana Itoobiya iyo dhaqamadeeda in uu cadaadiska ku badan doono Maxadweyne Xasan Sheekh iyo kooxdiisa si meesha looga saaro inta aan la gaarin 2016,Waxaana tusaale u ah dhoolutusyada kasocda gobolada Puntland,Jubaland,Nairobi iyo Gobolada Dhexe.

Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa dhaliilsan go'aankii uu qaatay Xasan Sheekh ee uu ku ogolaaday in ay Itoobiya mar kale farageliso Soomaaliya Isagoo og wixii ka qabsaday faragelintii Kenya,Waxa ayna dadkaasi ka cabsi qabaan in ay dhashaan Urur diimeedyo ka daran Al-shabab sidii dhacdayba 2006 markii meesha laga saaray Maxkamadihi Islaamiga.

Laakiin dhinaca kale, Dad kale ayaa aaminsan in ay Itoobiya markan wadato Isbahaysi ballaaran oo ay hormuud u yihiin Ururo diimeedyo ka jira Wadanka sida Ururka Damu Jadiid ee ka tirsan Xaralada Al-islaax,Ahlu Sunna Wal jamaaca iyo Ururka Raaskaanbooni oo ka tirsanaan jiray Maxkamadihii Islaamiga.diineey xaal qaado.!!

Waxa ay kooxdani sidoo kale ku doodayaan in ay Itoobiya markan haysato taageerada Beesha Hawiye oo dagaal adag la gashay ciidamadii Itoobiya ee qabsaday Xamar 2006, kuwaas oo aamusi waayey ilaa ay Itoobiya dalka ka baxdo laakiinta Maanta ku faraxsan in ay Itoobiya ilaalineyso Saldanada Hawiye ee fadhigeedu yahay Villa Soomaaliya.

Gaba gabadii waxa aan leeyahay waa nasiib daro in Maanta Amxaaro loo yeerto mar kale Anagoo og dhibaatadii ay ka geysatay Muqdisho, Waxaase Jawaabo u baahan Su'aale badan oo ay is weydiiyan Shacabka Soomaaliyeed sida in Itoobiya marna lagu sheego Cadow marna lagu sheego Walaalo.

Ha nalooga jawaabo Su'aalahan

1-Ma inagaa is badalnay oo Amxaaro noqonay?
2-Mise Amxaaradiibaa is badashay oo Soomaali noqotay ?
3-Mise diintiibaa is badashayoo diin kale noqotay?
4-Yaa masuul ka noqonayo dhibaatada ay geystaan ciidamada Itoobiya Aakhiro iyo Aduun?


W/Q: Abdullahi Ibrahim Cumar(Sayidka)
Abdull2006@hotmail.com











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog