Daawo Soomaalida ku nool Mareykanka oo maalmihii ugu dambeeyey weeraro isdaba joog ah lagu hayay!

Saturday, March 8, 20140 comments

Soomaalida ku nool dalka Mareykanka ayaa waxaa la sheegay inay soo wajahday cabsi iyo wel wel fara badan oo noloshooda ku saabsan ka dib markii maalmihii ugu dambeeyey weeraro isdaba joog ah oo lagu bur burinaayo baabuurtooda lagu soo qaaday dadka Soomaaliyeed. 


Soomaalida ku nool dalka Mareykanka gaar ahaana magaalada Fort Morgan ee gobolka Colorado ee dalkaas Mareykanaka ayaa waxaa la sheegay inay soo wajahday cabsi iyo wel wel baaxad weyn ka dib markii weeraro isdaba joog ah lagu soo qaaday iyadoona weeraradaas lagu burburinaayo baabuurtooda, Deegaanada ay Soomaalida ku nool yihiin ayaa waxaa la sheegay in qolooyin cunsuriyiin ah oo aan heebtooda la aqoon ay ka fuliyaan weeraro is daba joog ah iyadoona baabuurta dadka Soomaalida ah muraayadaha dhulka la dhigo islamarkaana lagu weeraro rasaasta caag, Sidoo kale ayaa waxaa lagu qoraa baabuurta dadka Soomaaliyeed erayo aflagaado iyo cunsurinimo ah oo ay ka mid tahay KU NOQDA DALKIINA arintaas oo cabsi weyn iyo wel wel fara badan ku abuurtay dadka Soomaalida ah ee ku nool magaladaas, 

Ugu dambeyntiina iyadoo Soomaalida ku nool magaaladaas ay soo wajahday cabsidaas faraha badan ayaa dhibaatada loo geystay dadkaan Soomaaliyeed ay tahay mid soo noq noqtey iyadoona dhowr jeer oo hore dhibaatooyin noocaas oo kale ah loo geystay dadka Soomaalida ah ee ku nool magaaladaas, Khaliif Cali oo ka mid ah Soomaalida ku nool magaaladaas waxaa uu sheegay inuu cabsi ku nool yahay islamarkaana dadkaas waxyeelada u geystay baabuurkiisa ay soo noqon karaan oo ay dhib ka badan intaas ay u geysan karaan, Sidoo kale ayaa Khadar Ducaale oo asagana ka mid ah Soomaalida ku nool magaaladaas waxaa uu sheegay inay dalkooda uga soo carareen dhibaato dagaal hadana ay mid la mid ah ay ku haysato meeshii ay u soo qaxeen, Taliyaha ciidanka booliiska magaaladaas ninka lagu magacaabo Darren Sagel ayaa waxaa uu sheegay inaysan arintaan u dulqaadan doonin asagoona sheegay inay wadaan baaritaan ku saabsan arintaas. 

Abdirizak M. (Xiireey) 
Holland 
Abdirizakxiireey@hotmail.com












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog