Aqriso Lix oo sabab u ah jabka Alshabaab iyo ciidanka dowlada oo ka faa’iidaystay qodobadaasi.

Wednesday, March 19, 20140 comments

Weerarkii bishii hore lagu qaaday xarunta Villa Soomaaliya ee madaxtooyada ayaa waxa uu dhib weyn u soo jiiday Dagaalyahanada ururka Al Shabaab iyo masuuliyiinta hogaamisa.
Inta badan gobolada iyo degmooyinka dalka waxaa ka curtay dagaal saf balaaran ah oo lagu qaaday deegaanadii ay maamuli jireen Al Shabaab oo intooda badan noqday kuwo si sahlan loola wareegay.

Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa is weeydiinaya waa maxay sababta ururkii Jihaad doonka ahaa ay u noqdeen kuwo kala firxada oo meeshii loogu tagaba si nabad ah oo dagaal la´aan ah loogala wareegayo.

JABKA IYO KALA YAACA AL SHABAAB AYAA WAXAA LAGU SHEEGAY 6-QODOB :
1-Dagaalyahanada ururkaan oo aan isku gurmadi karin
2-Taageero la´aan kaga imaaneysa shacabka deegaanada laga saaray
3-Qilaafaad iyo kala shaki dhexdooda ka jira
4-Madaxda ugu sareeysa ururkaan oo hawada sare laga ugaarsano dagaalna aan hogaamin karin
5-Ciidamada Dowlada oo aaminsan meeshii ay Al Shabaab ugu tagaan inay ka cararayaan
6-Dhaqaalo la´aan ku habsatay ka dib markii gacaantooda laga saaray goobihii ay ka talin jireen

Dhanka kale shacab aad u fara badan oo Soomaaliyeed ayaa waxa ay aaminsan yihiin in Al Shabaab sabab u tahay inay dalka ku soo qul qulaan ciidamo Shisheeye maadaama ay u hanjabeen wadamo badan oo xaalada Somalia aanan horay u soo faragelin jirin, waxeeyna sidoo kale qaladaad badan oo laga qeeyliyay ka galeen dhanka Diinta iyo dadka.











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog