Nin ka tirsan Fanaaniinta Somalida Islii oo lagu magaacabo Xasan Cali Saalax {Xasan Cagaaran} ayey Ciidanka la dagaalanka argagixisada Kenya baadigoobayaan kadib markii la ogaaday inuu ka tirsan yahay Laanta Sirdoonka Al-Shabaab.
Xasan Cagaaran ayaa la sheegay inuu ku lug lahaa fududeeynta qarax ka dhacay Garoonka Jomma Kenyatta ee Magaaladda Nairobi ,iyadoo sidoo kalena uu wada shaqeeyn la lahaa Sarkaal Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Mareykanka ay ku dishay Shabeeladda hoose kaas oo lagu magacaabi jiray Abdulkadir Camey Anta anta balse loogu yeeri jiray Sahal Isku dhuuq.
Xasan Cagaaran oo ku dhashay degmadda Shalaanbood ee Gobolka Shabeelada hoose ayaa la rumeeysan yahay inuu wada shaqeeynta Al-Shabaab la bilaabay sanadkii 2009 hasse yeeshee wuxuu sanado badan ku noolaa Magaalada Nairobi. Shaqsiyan Xasan Cagaaran waa nin afgaaban oo aan hadal badneen hasse ahaatee Somalidu waxay u bateen dad baahan oo shaqooyinka argagixisada u geeyso baahi dhaqaale.
Fanaan IIdle Abdullahi {IIdle Yare} ayaa dalka Kenya iskaga cararay kadib markii loo xil xiray kiis la xiriira in gaarigiisa loo adeegsaday qarax lala beegsaday Jomma Kenyatta Airport. Iidle Yare ayaa mudo u xirnaa Ciidanka la dagaalanka argagixisada,wuxuuna kadib u cararay Magaalada Muqdisho.
Si kastaba ha ahaatee,lama oga xaalada Xasan Cagaaran sideey noqon doonto laakiin hadeey run tahay inuu xiriir la leeyahay Al-Shabaab wuxuu mudan yahay in la daldalo.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com