Aqriso Tirada Ciidamada AMISOM uga geeriyootay Weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Buulo Burde oo la Shaaciyay

Wednesday, March 19, 20140 comments

Afhayeenka Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, Col. Cali Aadan Xumad ayaa faah faahin dheeraad ah ka ixiyay Qasaaradaha Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa u dhashay Dalka Jabuuti kasoo gaaray Weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee xalay ka dhacay Buulo Burde.

Col.Xumad ayaa qiray in ay jiraan Qasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira oo soo gaaray Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee kusugnaa Hotelka Camalow ee xalay Al-Shabaab Weerareen.

Afhayeenka AMISOM ayaa shaaciyay in ilaa Sadax Askari oo Jabutiyaan ah in ay ku dhinteen Weerarkii xalay Buulo Burde ka dhacay , waxa kale uu tilmaamay in ay jiraan Qasaaro dhimasho oo iyana soo gaaray Ciidamo katirsan Dowlada.

‘’ Weerarkii xalay ka dhacay Hotelka kuyaala Degmada Buulo Burde waxaa loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay , waxaa ku dhintay Weerarkaasi ilaa 3-Askari oo Jabuutiyaan ah waxaa kale ku dhintay Ciidamo katirsan Dowlada ‘’ ayuu yiri Afhayeenka AMISOM.

Afhayeenka Ciidamada AMISOM ayaa ku hanjabay in tilaabo adag ka qaadi doonaan Al-Shabaab , dhawaana ay ka saari doonaan goobaha wali gacanta ugu jira Dagaalyahanada Al-Shabaab.

Dhinaca Kale Wxaaa maanta lasoo gaarsiiyay Isbitaalka Ciidamada AMISO ku leeyihiin Magaalada Muqdisho, dhaawacyada Ciidamo katirsan AMISOM iyo kuwa Dowlada oo xalay ku dhaawacmay weerarkii ka dhacay Buulo Burde.

Weerarka Ismiidaaminta ahaa ee xalay ka dhacay Degmada Buulo Burte ayaa la sheegay in ay ku dhinteen ku dhawaad 20-qof ay ku jiraan Saraakiil iyo Masuuliyiin katirsan Dowlada Soomaaliya.













_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog