BAL AQRISO QISO CAJIIB AH. (Fadlan Aqri Haka Caajisin waa Qiso Cajiib ah).

Saturday, March 29, 20140 comments

Sheekadaan waxaa ka Sheekeesay Gabar, iyadoo Hadalkeed ku Bilowday sidatan:

Waxaa meel igala Shaqaysa Maamo weyn oo Da' ah oo Hooyaday oo kale ah, Qiyaastii Lixdan ilaa Toddobaatan jir ah, Shaqada wey iga soo Horjeedaa. Miis ayaa noo Dhexeeya, Waana Taaganahay Waqtiga Bareegga maahine inta kale, Istaag ayaan ku Shaqaynaa, Alaabta aan Gureynaana waa iska soo Daba Dhaceysaa oo Nasasho ma leh. 

Haddaba, habartu wax badan ma qaban karto ee Naf ayaa meesha keentay baan Filayaa, Markaan Xaalkeeda arkayna Shaqadeeda in badan anaa Qabto oo Caawiya. Qadada marka la gaaro Dadku Cunta ay horay Guriga uga soo Qaateen ayey Cunaan, Maamadu waxba ma Wadato, oo Qadadayda ayey ila Cuntaa oo markii aan Arkay Cuntada Subixii aan soo Qaadayo waan soo Kordhiyaa anoo ugu tala Gelaaya Maamada. Haddaba, Maalin Dhoweyd intey Daashey ayey Shaqada Dhexdeeda ku Lulootay, Hal mar ayaan waxaan ku War helay iyada oo Miiskii Madaxa ku Dhufsatay. Waa Naxay, Waxaana ku iri Eedo aan la Hadlo Nimanka Shaqada in Nabar ku Gaarey ayaa Dhici karta? Waxey tiri:- ha ii Sheegin, in Shaqada layga Eryo ayaan ka Baqayaa, Markaanu Mudda is Baranay ayey Arrimaheeda iiga Sheekaysay, markaasaan Naxdin la Caloolyoobay.

Waxey tiri Hooyadu:- Magaalada Wiil iyo Gabar aan Dhalay ayaa Deggan, Labaduba Reer ayey leeyihiin, waana Shaqeeyaan, Gabadhayda Gurigeeda waan ka Xishooday Wiilka qaba, waxaanan u arkay inaanan Gurigeeda Garbasaarta ku bedelan karin. Sidaa darteed ayaan la Degganahay Wiilka aan Dhalay.

Qol ayaan ka Degganahay Wiilka aan Dhalay Gurigiisa. Gabadha uu qabaa cuntada wey karsataa, weelkana wey Daboolataa oo Ima tiraahdo: halkaasaa Cuntadu ku jirtaa, ama halkaas ayaan kuu Dhigay, amase halkaas mid Ceyriin ayaa taale Karso, Iska Dhaaf iney iyadu ii Keento. Aniga ayaa Jikada Gala.. Haddii aan Cunta Bisil arkana waan Cunaa, haddii kalana Qolkayga ayaan Galaa!

Weli Wiilkan aan Dhalay ee Sagaal Bilood Caloosha ku soo Siday, soona koriyey, ima oran Habeen ama Maalin: Hooyo ma Cashaysay, ama ma Qadaysey?!

Waxaa intaa ii Dheer markaan 5ta Galabnimo Shaqada ka Imaado, ayaa Isaga iyo Xaaskiisu iiga Tagaan ilmahooda inaan Hayo oo weliba aanan Seexin ilaa 11ka habeennimo, si markey Ilmuhu Seexdaan ay u yimaadaan oo aanu ugu Buuqin, Markaas ayaan Daal meel kula Dhacaa, Aroortiina Shaqada u Jarmaadaa.

Markaan yaabay ayaan ku iri:- Eedo maxaa Dhibkaa kuu Geystey oo aad u Shaqayneysaa? Waxey tiri: Laba ilmood oo kale oo kuwan ka Yar ayaan Qaxooti uga Imi, oo soo Qaylinaaya Hooyo wax noo soo Dir! Kuwan markaan Iraahdo wax u Dirana, waxey leeyihiin Anagaaba teena na heysato! Anigana Caloosha ayaa i Hureysa oo ma joogi karo. Waxaan Rabey inaan Tikitkayga helo oo Muslinka ii Qaaraama Iraahdo, si aan meeshaan ka Imi iyo Dalkii ugu Noqdo. Kan aan Dhalay markaan Iraahdo Maandhow marka wax la helo sida Cashuura Celinta i Amba bixi wuxuu leeyahay Markan waxaan iskaga bixinayaa Gaariga! Sanadka kalena wuxuu leeyahay waxaan iskaga bixinayaa Guriga!

Haddaba wixii Maalinkaa ka Dambeeyey aniga ayaa Baabuurkeyga ku soo Qaadi jiray, markaan Shaqadaa ka baxnana aniga ayaa Gurigeeda geyn jiray. Maalin Dhoweyd Shaqada markaan kasoo baxnay ayaan Habarta soo Qaaday, Gurigii ayaan keenay, mise waa Xiran yahay, oo Wiilkeeda iyo xaaskiisi wey Baxeen, Iyaduna Furo ma Heysato. Waxaan ku iri:- inna keen Gurigayga ayaan ku Geynayaa, Laakiin waxey iga Codsatay Gabar kale oo ay Qaraaba yihiin inaan u Geeyo.

Waxaan iri:- Hooyo Macaan sidaa ma Mudna, Qof Arxan iyo Islaannimo ku Jirtaana sidaa ma yeelo, laakiin Dad ayaan daran Adduunka lagama waayo, sida kuwaas lagu Qasaaray. Gabadha Soddohda loo yahay lama Yaabbani oo qaar yar oo Ibtilaysan ayaa jira, balse waxaan la yaabay Nacaska ay habartu dhashay, bal islaamow maxaa kaas Nolol oo u Haray, muxuuse Dhawrayaa oo Gurya u Dhisanayaa, waa hore Ayuuba Dhintaye.

(ILAAHOOW CIQAABTAADA NAGA BADBAADI, YAA RABBI).


W.Q:- Macoow Ustaad.











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog