Xaflad lagu soo dhaweynayay xayiraad ka qaadistii Shiikh Axmed Nuur Cali oo ka dhacday Khartuum (Daawo Sawirada)

Saturday, March 29, 20140 comments

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay islamarkaana lagu soo dhaweynay xayiraadii Qaramada midoobay dhawaan ka qaaday Sh: Axmed Nuur Cali Jimcaale ayaa ka dhacday hoolka weyn ee Jaamacada Caalamiga ah ee Africa taa oo ay iska kaa shadeen qabsoomideeda Safaarada Soomaaliyeed ee Sudan iyo Jaaliyada Somaliyeed eek u dhaqan Caasimada Khartuum .

Madashii ay ka dhaceysay xaflada ayaa waxaa Ka soo qeyb galay madax kala duwan sida : Qunsulka Safarada Soomaaliyeed ee Sudan ah kusimaha Safiirka Ibraahim Guure Madax waxbarashada hidaha iyo dhaqanka C/qaadir Guulane ,Madaxda jaaliyada, Salaadiin ,Arday iyo qeybaha kala duwan bulshada Soomaliyeed ee ku dhaqan Khartuum,waxa ayna dhamaan madaxdii kala duwaneed ee soo xaadir goobta ay siweyn usoo dhaweeyeen xayiradii ay dhawaan qaramada midoobay ka qaaday ganacsade Sh : Axmed Nuur Cali Jimcaale

Ugu horeed waxaa xaflada daah furay Dr : C/qaadir ‘ Warfaa” oo ku hadlayay afka qaban qaabiyaasha xaflada wuxuuna sharxaad ka bixyay ujeedka ay usoo agaasimeen xaflada wuxuuna sheegay in Sh : Axmed Nuur Cali Jimcaale guusha usoo hoyatay ay tahay mid usoo hoyatay bulshada Soomaaliyeed taasna cadeyn u tahay shacab badan oo Soomaaliyeed oo hantidooda ka xiyir need ay dib u helayaan hantidooda .

Xogayaha arimaha dibada ee Golaha Salaadiinta dib u hishiisiinta iyo wacyi galinta bulshada Soomaaliyeed Suldaan kamaal oo madasha ka hadlay ayaa ku tilmaamay xayiraad ka qaadida Sh : Axmed Nuur farxad weyn oo Soomaali usoo hoyatay .

‘ run ahaantii waaa farxad weyn oo inoo soo hoyatay xiyaraada laga qaaday ganacsadaha caadilka sabraha ah ee Somaliyeed Sh : Axmed Nuur waxaana si gaar ah ugu mahad celinayaa Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele iyo Madaxweynaha Soomaaliyeed Xasan Sh : Maxamuud dadaalka lama ilaabaanka ah ay ku bixiyeen xayiraad ka qaadista Ganacsadaha’ ayuu yiri Suldaan Kamaal Suldaan .

C/qaadir Guulane oo ah Madaxa waxbarashada hidaha iyo dhaqanka ee Safaarada Soomaaliyeed ee Sudan oo isna madasha ka hadlay ayaa ugu baaqay Qaramada midoobay in ay xayiraadii gar darada eheyd ay saartay ganacsadaha Soomaaliyeed iyo hantida umada Soomaaliyeed in ay si deg deg ah mag dhaw uga bixiso

Xaflada oo eheyd mid ku socotay jawi farxadeed iyo soo dhaweyn ayaa waxa ay ahaayeen dhamaan ka soo qeyb galayaashii xaflada kuwa wajiyadooda laga dheehanayay qiiro farxadeed waxa ayna si wada jir ah ugu tilmaameen xayiraad ka qaadista sh axmed nuur jimcaale cadaaladii oo guuleeysatay .
















_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog