Cabdi Wali Gaas oo Markab dushiisa kula kulmay Saraakiil Reer Galbeed ah (Daawo Sawirada)

Thursday, March 27, 20140 comments

Madaxweynaha Puntland Dr Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas ayaa galabnimadii shalay oo taariikhdu ahayd 26,03,2014 waxa uu kulan gaar ah la qaatay danjirayaal ka tirsan Dowladaha Reer Yurub iyo danjiraha EU-da u fadhiaya magaalada Nairobi, waxaana kulankaasi uu ka qabsoomay dusha sare ee mid ka mid ah maraakiibta dagaalka ee EU Naval Force Somalia ee ay leeyihiin isu tagga wadamada reer yurub.

Dowladaha Reer Yurub waxaa kulalnka joogay Danjiraha Midowga Yurub u Qaabilsan Somalia,Safiirka Talyaaniga, Safiika UK,Safiirka Holland, Safiirka Denmark iyo safiiro kale.

Waxaa si qoto dheer loo falan qeeyey caqabadaha taagan ee u baahan in si deg deg ah wax looga qabto, iyo sidii dhinaca arimaha Bulshada la isaga kaashan lahaa in wax laga qabto.

Waxaa sidoo kale la isku gartay in siyaasad midaysan laga yeesho soo afjaridda iyo la dagaalanka burcad-badeeda, Al-shabaab, kalluumaysiga aan sharciga ahayn iyo wixii la mid ah.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas ayaa Safiirada shirka ka qayb galay usoo bandhigay qorshe howleedka u degsan Dowladdiida , kaasi oo ay qaban doonaan sanadka ugu horeeya iyo ilaa iyo mudada ay shaqadu kaga egtahay.

Madaxda Dowladda Puntland ayaa shirka ka sheegay in Puntland ay xaq u leedahay inay qaybteeda ka hesho taageerada la siiyo Dowladda Federaalka ah maadama uu dalku ku dhisan yahay nidaam federaal ah.

Safiirada dalalka Reer Yurub ayaa sheegay inay Puntland la garab is taagayaan taageero caamali ah , isla markaana ay heli doonto saamiga ay ku leedahay taakuulaynta ay dawladaha reer Yurub siin doonaan Soomaaliya.

Safiirada Dalalka Reer Yurub waxaa ay ballan qaadeen ina ay dalka Djibouti kusoo taba bari doonaan ciidamada Police-ka Badda, si loo xaqiijiyo amniga xeebta dheer ee Puntland.

Kulanka ayaa markii uu soo dhamaaday waxaa labada dhinac ay ka warbixiyeen waxyaalihii ay isla soo qaadeen , iyagoo caddeeyey in si faah-faahsan la isula qaatay in Puntland la tageero.

Waa shirkii ugu horreeyey ee noociisa ah kaasi oo Madaxda Dowladda Puntland iyo Safiirada Dalalka Reer Yurub ay ku qaataan badda dusheeda, waxayna taasi muujinaysaa in Madaxweyne Gaas iyo xukuumddiisu ay dadaal ugu jiraan sidii Puntland loo horu marin lahaa.





















_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog