Xubno Sar Sare oo katirsan Al-Shbaaab oo doonayay in ay ka dhoofaan garoonka Aadan Cadde oo la qabtay (Daawo Sawirada)

Thursday, March 27, 20140 comments

Ciidamada Nabad Sugida Dowlada Soomaaliya ayaa ku guuleestay in ay gacanta ku dhigay ilaa 8-nin oo katirsan Al-Shabaab, kuwaa oo qaarkood doonayeen in ay ka dhoofaan garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Shan kamid ah ragan lasoo qabtay ayaa la sheegay in la qabtay xili ay doonayeen in ay ka dhoofaan garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho iyagoo kusii jeeday Deegaano kala duwan.

Saraakiisha ciidamada amniga ayaa sheegay in shan ka mid ah Ragan Shabaab katirsan laga soo qabtay garoonka ay ku sii jeedeen Gobollada Waqooyi Galbeed, Hiiraan iyo Dowlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia.

Halkan ka Aqriso Magacyada Xubnahan lasoo bandhigay


1-Maxamed Xiireey Bakaari .

2-Iidoow Cabdulle Barqadle 

3-Ibraahin Cabdulle Barqadle 

4-Cumar Aadan Maxamed

5-Cabdirisaaq Maxamed Ibraahim.

6-Cabdifataax Cali Maxamed

7-Xasan Nuur Maxamed 

8-Shariif Ciise Aadan.

Ciidamada Nabad Sugida Dowlada Soomaaliya ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay Magaalada Muqdisho waxa ay ka wadeen howl galo gaar ah ay ku bartilmamaeedsanyeen rag katirsan Al-Shabaab oo qaarkood xogtooda la helay in ay joogaan Magaalada MUqdisho.















_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog