Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM oo kusii jeeda Deegaanada iyo Degmooyinka Shabaab ka joogaan Sh/Hoose (Daawo Sawirada)

Saturday, March 22, 20140 comments

Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa wada dhaq dhaqaaqyo xoogan ay ku doonayaan in dagaalyahanada Al-Shabaab gabi ahaan kaga saaraan Deegaanada iyo Degmooyinka ay ka maamulaan qaar kamid ah Gobolada Dalka.

Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowlada ee kusugan Gobolka Sh/Hoose ayaa saacadihii lasoo dhaafay la arkayay iyaga oo dhaq dhaqaaqyo ciidan oo aad u xoogan kawada Deegaano iyo Degmooyin katirsan Gobolkaasi .

Wararka aan ka helnay Gobolka Sh/Hooseayaa sheegaya in Ciidamo katirsan Dowlada iyo AMISOM ka dhaqaaqeen Deegaanada Shalanbood iyo Janaale kuwaa oo afka saaray Deegaano iyo Degmooyin gacanta ugu jira AL-Shabaab.

Ciidamada Dowlada iyo Kuwa Midowga Afrika ee AMISOM oo saakay Duulaan ku qaaday Degmada Qoryooley ayaa lasoo sheegayaa in Ciidamada Huwanta ah ay kaabiga ku hayaan in ay la wareegaan Degmadaasi .

Howlagalada ka bilowday Gobolada Dalka Soomaaliya ayaa hada kasocda Gobolo badan oo dalka kamid ah , waxaana tan iyo markii howlaglaad bilowdeen Al-Shabaab laga saaray Degmooyin iyo deegaano dhoor ah oo horey gacantooda ugu jiray.



















_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog