Gudoomiyaha cusub ee degmada Shibis C/fataax Nuur Cali ayaa maanta xilka kala wareegay Gudoomiyihii hore Daa'uud Cabdule Maxamed, kadib munaasabad ka dhacday xarunta degmada Shibis oo ay ka soo qeyb galeen Mas'uuliyiin, saraakiil ciidan iyo qeybaha bulshada.
Munaasabadan ayaa waxaa hadal ka jeediyay Gudoomiyihii hore ee degmada Shibis Mr Daa'uud oo sheegay in degmada ay ka qabteen arrimo badan mudadii xilka uu hayay, gaar ahaan waxbarashada, nadaafada iyo arrimaha bulshada.
Waxaa uu sheegay inay ku guuleysteen inay xarunta degmada dayactiraan, isagoo xusay inay dib u dhis ku sameeyeen dugsigii shibis.
Gudoomiyaha cusub ee degmada Shibis C/fataax Nuur Cali ayaa sheegay inuu muhiimada koowaad siinayo amniga degmada, waxbarashada iyo isku xirka bulshada, waxaana uu sheegay inuu wada shaqeyn wanaagsan uu la yeelanayo laamaha amniga degmada iyo bulshada.
Iimaan Nuur Iikar Gudoomiye kuxigeenka Gobolka Banaadir ee dhinaca arrimaha bulshada ayaa ku ammaanay Gudoomiyihii hore ee degmada inuu wax wanaagsan qabtay, isagoo kula dar daarmay Gudoomiyaha cusub inuu la yimaado waxqabad wanaagsan.
Is bedelka cusub ee lagu sameeyay Maamulka degmada Shibis ayaa bilow u ah is bedel guud oo lagu sameyn doono Gudoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com