Daawo Bandhiga Wax soo saarka iyo Maalgashiga Soomaaliya oo ka furmay Magaalada Dubai

Tuesday, March 18, 20140 comments

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Somaliya Mudane Adan Saransoor, ayaa waxa uu shalay furay shirka Bandhig wax soo saarka iyo Maalagashiga Soomaliya looga hadlaayay wuxuuna si dheer uga hadlay muhiimadda umadda Soomaliyeed u leedahay maalglinta.

Waxa uu intaa raaciyay wasiirku in dowlada Soomaaliya ay ka shaqeyn doonto sidii ay u ilaalin laheyd xuquuda maalgashadayaasha iyo midda muwaadinka Soomaaliyeed.

Waxa uu yiri wasiir Saransoor, “Dowladda waxay sharcigaasi u gudbisay Baarlamaanka Soomaliya oo kal-fadhiyadiisa uga hadli doona ”.

Wasiirka wuxuu amaanay qabanqaabiyayaasha Bandhigga sida ay isga xilsaareen sidii ganasatada Soomaaliyeed loogu dhiiringalin lahaa horumarinta wax soosaarka iyo maalgashiga.

Waxaa halkaasi sidoo kale ka hadlay Wakiilka Midowga yurub ee Somaliya --- ,Qabanqaabiyayaasha shirka ee HANVARD AFRICA iyo FAO Xasan Noor iyo LUCA, oo dhamman ka hadlay sida ganacsatada daneysa maalgashiga dhinacyada wax soosaarka dalka ay ugu dhiirigalin lahaayeen in la joogo waqtigii Soomalida ay diyaarka u ahaayeen wax wadaqabsiga maalgashadayaasha ayagana arrimahaa ay labada dhinac gacan ka siin lahaayeen muhiimadda wax wada qabsiga, dowladana kaalinta kaga aaddan arrintaasi gacan uga siin lahaayeen.

Waxaa qaabka shirkaasi gacan ka geysatay safaaradda Soomaliya ee UAE ka hadlay Qusulka guud ee Somaliya Mudane Cumar C/siis kaas oo sheegay in muhiimadu ay tahay ka hadlida wax soo saarka kheyraadka Soomaaliya.

Waxaa shirkaasi dhiiri galintiisa ka qeyb galay madaxa Rugta Ganacsiga ee DUBAIH. E,Cabduraxman Saif Al-Ghurair oo dhiiri galiyay bandhiggi ganacsatada Soomaliyeed iyo Maalgashada yaasha caalamiga ah.
























_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog