Ciidamada ilaalada Xukuudaha ee Dalka Spain ayaa gacanta ku dhigay Wiil 19-jir u dhashay Dalka Mali oo qaab tahriib ahaan Boorso loogu soo xiray lana doonayay in laga gudbiyo Xaduuda Dalkaasi.
Nin wax tahriibiya oo u dhashay Dalka Marooko ayaa la sheegay in Wiilkan Afrikaanka ah uu boorso weyn kusoo xiray uuna doonayay in uu gudaha u galiyo Dalka Spain si uu ga qaato lacago uu kula heshiiyay.
Ciidamada Ilaalada Xukuudaha ee Dalka Spain ayaa ka shakiyay boorsada Ninkan Morookaanka ah uu watay waxa ayna ku sameeyeen baaritaano , Ciidamada ayaana layaab ku noqotay markii ay fureen Boorsada uu dhax jiifo Wiil dhalinyaro ah.
Arinatn ayaana noqotay mid lagu baahiyo Waraahinta dunida iyadoona Wiilka Dhalinayarada ah naftiida laga dheehanayay sida uu naxay markii ay Fureen Ciidamada Spain Boorsadii lagu soo dhax qariyay.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com