Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu taageerayo gudoomiyaha Cusub ee Bobolka Banaadir ahna duwa magaalada Muqdisho General Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo ay ka qeyb galeen boqolaal qof ayaa xalay lagu qabtay degaanka ay Soomaalida u badan tahay Bellville South ee Magaalada Cape Town waxaana xafladaasi soo qaban qaabiyey guddi gaar ah oo isu xilsaaray Arimahaasi waxaana lagu casuumay Qeybaha kala duwan ee jaaliyadaha, Culumada, Odayaasha, waxgaradka, Haweenka Bahda Saxaafada, iyo Ardayda.
Waxaana Xaflada oo Socota Qadka Taleefoonka si Toos ah ugu qeyb qaatay Jeneral Xasan Maxamed Xuseen Muungaab oo la hadlay Boqolaalkii qof ee ka qeyb galay xafladii lagu taageerayey wuxuuna ugu horeyn u mahad celiyey dhamaan dadkii madasha joogay, Wuxuuna warka intaasi ku daray in uu nabadeyn doono Gobolka Banaadir isla markaana uu dib usoo celin doono bilicda iyo Sumcadda Muqdisho Wuxuuna sidoo kale Sheegay in uu la tashan doono dadka degan 17-ka Degmo ee ka koobay gobolka Banaadir iyo wax garadka magaalada Muqdisho.
Xaflada oo ay ka soo qeyb galeen dadkii ugu tirada badnaa ayaa waxay wateen calanka Soomaaliya, Funaanado uu ku buufsan yahay Sawirka Jeneral Muungaab waxana halkaasi ka hadlay masuuliyiin Aqoon durugsan u leh Sareeye Guute Xasan Maxamed Xuseen Muungaab waxayna dhamaantood cadeeyeen in Muungaab uu kasoo bilaabay meel aad u hooseesa isla markaana uu halkani kusoo gaaray waxqabad iyo howl karnimo aanan lagu aqoonin madaxda Soomaaliyeed Qaarkood iyagoo u rajeeyey in uu halkii kasoo wadi doono howlaha culus ee hadda loo magacaabay.
Xafladani mid la mid ah ayaa waxay ka dhacday Gobolka Limpopo halkaasi oo iyagane Jaaliyada Soomaalida ay ku qabsadeen xaflad kale oo lagu taageerayo Jeneral Muungaab waxayna noqonaysaa Xafladii ugu horeysay ee lagu taageero Muungaab oo ka dhacday dalka Koonfur Africa Waxaana Sidoo kale hadda la qorsheenayaa in xaflado tani la mid ah ay ka dhacaan Magaalooyinka kale ee waa weyn ee dalka South Africa.
Maxamed Deeq Muuse Nuur (Deeqdarajo)
Deeqdarajo36@hotmail.com
Cape Town, South Africa.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com