Waxaa kor u kacaya rajada laga qabo in la helo diyaaradii Malaysia Airlines ee la waayey tan iyo 8 Maarso 2014. Raysalwasaaraha Australia Tony Abbot ayaa sheegaya in sawiradii u danbeeyey ee uu helay Dayax-gacmeedka Shiinuhu ay xoojinayaan kuwii horey loo hayey. Sawiro uu qaadey Dayax-gacmeedku ayaa lagu arkey wax la filaayo in ay yihiin haraagii diyaaradda meel u jirta 2500km (1600miles) magaalada Perth Australia dhanka Badweynta Hindiya. -
Weli waa xili hore in aan hubino, laakiin sida qoraxda ayey hadda u caddahay, tixraacyada lagu kalsoonaan karo ayuu yiri Abbot Raysalwasaaraha Australia, mar uu la hadlaayey Sydney Morning Herald War maanta soo baxay ayaa sheegaya in Dayax-gacmeedka dalka Faransiisku uu heley sawiro xaqiijin kara Firdhadka iyo haraadiga Diyaaradda waxaana sawirada laga qaadey isla meelshii markii hore Dayax-gacmeedyada kale ku sawireen Badweynta ku dhaw Australia.
Diyaaradaha Mileteriga Shiinaha ayaa hadda ku biirey in ay wax a baadigoobaan goobta dayax-gacmeedku ka heley sawirada loo badinaayo haraadigii diyaaradda la waayey.
Dalal ka kale ee ka qayqaadanaya baaritaanka waxaa kamid ah Japan, Australia, New Zealand iyo Maraykanka. Malaysia Airlines Boeing 777 ayaa 8 Maarso ka duushey Kaula Lumpur waxaana ay ku jeediey magaalada Bakiin ee dalka Shiinaha, rakaabka saarnaa ayaa garayey 239 qof oo u badnaa dad ka oo jeeda dalka Shiinaha tan iyo markii ay duushey ayaa la waayey raq iyo ruux iyo meel ay jaan dhigtey diyaaraddu.
Waxaa xoogeysanaya carada iyo madax xanuunka ku dhacay dadkii qaraabada la ahaa dadka rakaabkii diyaaradda saarnaa, waxa ay sheegeen in ay aaminsan yihiin in ay jirto wax laga qarinaayo, loona baahan yahay in xaqiiqada la soo bandhigo.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
