Iska Talaalida cudurka dabaysha oo ka bilowday dhamaan degmooyinka gobolada Dalka

Monday, March 24, 20140 comments

Tallaalka cudurka dabaysha ayaa maanta ka billowday degmooyinka ka madax bannaan kooxda Al-Shabaab ee gobolka Galgaduud.

Degmooyinka Dhuusamarreeb, Cadaado, Caabudwaaq, Balambal, Guriceel iyo deegaannada hoos yimaada ayaa laga billaabay tallaalka, sida uu newbanaadir.com u xaqiijiyey madaxa hay’adda caafimaadka adduunka (WHO) ee gobolka Galgaduud, Cabdullaahi Maxamuud Maalin.

Wuxuu sheegay in hay’addu ku talagashay in tallaalka ay ka faa’iidaystaan in ka badan 100,000 oo ka tirsan carruurta ay da’doodu ka hooseyso shanta sano ee ku nool gobolka Galgaduud.
Maalin ayaa ka codsaday waaliddiinta inay la shaqeeyaan howlwadeennada tallaalka oo tagi doona guri kasta, wuxuuna ku boorriyey in tallaalka dabayshu ahmiyad weyn u leeyahay mustaqbalka caafimaad ee carruurta iyo guud ahaan kan  bulshada.

Tallaalka dabaysha ee maaanta ka billowday Galgaduud oo socon doona saddex maalmood ayaa ah wejigii labaad ee sanadkan, iyadoo wejigii horena la fuliyey maanta oo kale, bishii February ee sanadkan.












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog