Galmada: Mudo Intee Le’eg Ayay Qaadataa In La Bikro Jabiyo Gabadha Gudan? XOG MUHIIM AH

Wednesday, March 26, 20140 comments

Soomaalidu waxa ay taqaan in toddobaadka ugu horreeya aqalgalka, haddii uu ninku shaqo lahaa intuu fasax ka soo qaato, uu xaaskiisa cusub guriga kula jiro.

-Ha yeeshee, dalal badan oo caalamka ah waxa laga yaqaan bil kaamil ah oo lagu magacaabo (Bisha Malabka), kana bilaabata habeenka aqalgalka.

-Dhanka toddobaadka Soomaalida haddii aynu ku horreyno, ninku maba ku fekeri karo muddadaasi wax aan ka ahayn siduu u bekra-jebin lahaa gacaladiisa, maadaama uu bedenkiisa ku jeexayo meel bir loogu tolay, oo nasiib buuba leeyahay hadduu toddobaadka gudihiisa ku bekra jebiyo xaaskiisa.

-Gabadha aan loo  gudin qaabka fircooniga ah, bekra-jebintu ma qaadato inta badan  wax ka badan hal habeen.

-Bekra-jebinta kadib, gabadhu waxay u baahan tahay nasasho iyo daryeel gaar ah, sababta oo ah dhaawacyada bekradu inkasta oo dusha sare ay yihiin haddana waa uun dhaawacyo ku dhacay jir dad, waxayna u baahan yihiin dhowr maalmood ilaa ay ka bogsoonayaan, waxaana marmar dhacda inay gabadha la bekra jebiyay u baahato in la daaweeyo.











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog