Garoona diyaaradaha Kismaayo oo la dayactiray lana qalabeeyay (DAAWO SAWIRADA)

Friday, March 7, 20140 comments

Tan iyo markii Ururka Al Shabaab lagala wareegay gacan ku heynta Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose, ayaa waxaa suurta gashay in dayactir ballaaran lagu sameeyo Garoonka.

Garoonka Kismaayo oo loogu yeero Axmed Gurey, ayaa waxa uu burbur xoogan ka soo gaaray dagaaladii sokeeye ee dalka halakeeyay 20-kii sano ee la soo dhaafay.

Xilligaan, ayay suurta gashay in dayactir ballaaran lagu sameeyo Garoonka, sidoo kalana la dhiggo qalabkii uu u baahnaa Garoonka, ee ay kaga hawlgali lahaayeen Shaqaalihii loo igmaday.
Muuqaal ahaan Garoonka Kismaayo, ayaa waxaa kaaga baxaaya in wax weyn iska bedelay, marka aad eegto 27-kii September ee sanadkii 2012-ka, oo ay si buuxdo ula wareegeen Ciidamada Amisom iyo kuwa Maamulka Jubba.

Sidoo kale billihii la soo dhaafay, ayaa waxaa Garoonka Kismaayo ka degganaayay diyaarado kooban, kuwaa oo ujeedooyin kala duwan kaga caga dhiganaayay.

Garoonka waxaa sidoo kale xilligaan si rasmi ah kaga hawlgala diyaaradaha rakaabka u kala qaadaaya Magaalooyinka ugu waaweyn ee dalka.

















_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog