Gudoomiye kamid ah Gudoomiyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir oo xilkii laga qaaday

Thursday, March 20, 20140 comments

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Jen Xasan Maxamed Xuseen Muunaagaab ayaa xilkiika qaaday Gudoomiyaha Degmada Shibis , waxaana Xilkaasi loo Magacaabay Gudoomiye Cusub.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa xilkii looga qaaday Gudoomiyihii Degmada Shibis Daa'uud Cabdulle Max'uud , waxaana Gudoomiyaha Cusub ee Degmada Shibis loo Magacaabay Cabdi Fitaax Yaanyo.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa wada qorshe xilka looga qaadayo qaar kamid ah Gudoomiyaasha Degmooyinka Gobplka Banaadir , waxaana la filayaa in maalmaha soo aadan xilka laga qaado qaar kamid ah Gudoomiyaasha Degmooyinka Goboka Banaadir.

Xubnaha si aadka ah loo hadal hayo oo laga yaabo in Seefta Xil kaqaadista ay qaado waxaa kamid ah Gudoomiyaha Degmada Hodan , Gudoomiyaha Degmada Xamar Weyne , Gudoomiyaha ,Waabari , Gudoomiyaha Yaqshiid , Gudoomiyaha Hiliwaa iyo Gudoomiyaal kale.

Lama oga xiliga ay qaadan karto isbadalka guud ee lagu sameenayo Maamulka Gobolka Banaadir , waxaa dhawaan meesha kawada baxay Masuuliyiintii Gobolka Banaadir, waxaa hada tooshka uu ku shidan yahay oo seefta xil kaqaadista saaran tahay Gudoomiyaasha Degmooyinka..











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog