Jiifka: Hadii aad u seexato qabkaan waxaad tahay qof aad shaki badan

Thursday, March 20, 20140 comments

Qofka u seexda hal dhinac laakiin labada gacan kor u qaada , hadaba ruuxaasi waxay warbixintu ku sheegtay inuu yahay mid Shaki badan.

2-Jiifka Geedka oo kale: waa in hal dhinac ruuxa u seexdo hal gacan iyo lugna uu ku jiifo hadab ruuxaasi waxaa warbixintasi ku tilmaamtay mid bulsho ah ayna fududahay in lala maacimilo.

3-Jiifka Caloosha: Caloosha oo loo jiifsado iyadoo labada gacan-na la dhigayo madaxa aktiisa isla markana dad yar ay adeegsadaan %5.6, iyadoo warbixintuna ku tilmaamtay dadkaasi kuwo wel -wel iyo fikir aayaha dambe iyo cabsi ayay u u janjeeran sidoo kale hab la dhaqankiisa dadka kale ma fiicna .

4-Qaabka Uurka Jiifka: %51 Haweenka ayaa door bida in ay qabkaasi u jiiftaan, qaabkaan waa in madax iyo lugaha la isu keeno iyadoo gacmaha labada canjar la dhex gilinayo, warbixintu waxay ku tilmaamtay dadkaasi dhanka Xishoodka iyo dareenka ayay u jan-jeeraan .

5-Qofka aan kala jecleyn jawiga iyo qolka uu jiifanayo iskana jiifta meeshii uu doono isla markaana buuq iyo shanqarta waxba kala jecleyn, warbixintu waxay ku tilmaamtay qofkaasi inuu u jan-jeera deganaasho la`aan waxa uuna ka baqaa kalinimada , wuxuuna jecel yahay in Radio ama TV- ga uu ku dhafro

6- Jiifka askariga: Waa kuwa sida tooska dhabarkooda ugu jiifta , labadooda gacmood ku dhirarsan yihiin jirkooda , warbixintu waxay ku tilmaamtay kuwaasi deganaan iyo is ilaalin ayay u jan-jeeraan.

7-Jiifka xidigo fiiriska: Waa kuwa ku jiifta dhabarka xabadkooda kor uu u soo jeedo isal markaana labada lugood iyo gacmaha kala fogeeya midba meel u jeediya, warbixintu waxay ku tilmaamtay kuwaasi waa dadka jecel in dadka kale dhageystaan ixtraaamkooduna badan yah












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog