RaisulWasaare C/wali sheikh axmed Oo Maanta Hortagaya Barlamanka Soomaaliya

Monday, March 31, 20140 comments

Ra’iisul Wasaaraha xukuumada Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed Maxamed ayaa saacadaha soo socda lagu wadaa inuu hor tago Golaha Baarlamaanka, si uu uga hadlo qorshe howleedka Xukuumadiisa u degsan iyo waxyaabaha hor-yaala dhowrka sano ee soo socda.
  
Gudoonka Baarlamaanka ayaa shalay u yeeray Ra’iisul Wasaaraha inuu hor-yimaado baarlamaanka, iyadoo Xildhibaanada Baarlamaanka ay dood kulul ka yeelanayaan miisaaniyada sanadka 2014 oo ay Xukuumada soo gudbisay.
  
Sido kale miisaaniyadan oo ka badan tii sanadkii hore ayaa gaareysa ilaa 218-bilyan, Wasiirka Maaliyada Xuseen Cabdi Xalane oo shalay su’aalo ay weydiiyeen Xildhibaanada ayaa sheegay in 50% uu kordhay dhaqaalaha dowladda ka soo xarooda gudaha dalka.
  
Mr C/wali Ra’iisul Wasaare ayaa la filayaa in baarlamaanka u sharxo howlaha ay xukuumadiisa qabaneyso iyo halka ay mareyso howsha dalka, isagoo soo hadal qaadi doona howl galada ka socda dalka ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Mudanayasha Baarlamaanka ayaa su’aalo ka weydiinaya Ra’iisul Wasaaraha howlaha hor-yaala Xukuumadiisa, iyadoo diirada saaraya dhibaatooyinka shacabka heysta, arrimaha siyaasada, dhaqaalaha iyo howl galada.
  
Si kastaba ha ahaatee ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ugu dambeysay baarlamaanka bishii Janaayo, mar uu kalsooni soo weydiistay, markii uu soo magacaabay Xukuumadiisa cusub, waxaana uu horay Ra’iisul Wasaaruhu u sheegay iuu diyaar u yahay inuu Baarlamanaka hor-tago si uu ugu sharxo howlaha hor-yaala Xukuumadiisa.











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog