Xarakada Al Shabaab oo Go,doomiyay Degmada Buula Burto Iyago Xanibay Gabi Ahaanba Isku Socodkii Gadiidka Iyo Dadka ?

Monday, March 31, 20140 comments

Dagaalyahanada al-Shabaab ayaa xayiraad ku soo rogtay gaadiidka rakaabka ee isaga kala goosha degmooyinka Beledweyne iyo Buulo-burte ee mara deegaanka Halgan oo 85 kilo mitir Koonfur u jirta Buulo-burte.
  
Kooxda al shabaab ayaa arrintan ku macneeyay inay cuno-qabateynayaan degmada Buulo-burte oo dhowaan ay ciidamada dowladda Soomaaliya oo ay kaabayaan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ay la wareegeen.
  
Sido kale maanta oo kaliya ayaa la sheegay in deegaanka Halgan ay ku xayireen laba gaari oo rakaab ah, kuwaas oo ka soo kicitimay Beledweyne kuna sii jeeday Buulo-burte.
  
Ugu danbeeyntii qaar ka tirsan dadka deegaanka Halgan oo ka gaabsaday magacooda sababo amni dartood ayaa Bar-kulan u sheegay in arrinta ay caqabad ku tahay ganacsigooda iyo isku socodka shacabka.













_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog