Saan ayaa dawo u ah Biyaha Baxa deg dega ah Ee Ragga

Friday, March 28, 20140 comments


Boqolkiiba 80% ilaa 90% ragu way ka dawoobaan xanuunkan, hadii ay helaan daryeelka looga baahanyahay, (better control theraphy)

1- Waxaad ugu horayn joojisaa cabida sigaarka, cunista qaadka iyo drugs kale hadii aad istcmasho gabi ahaantoodba, inkastoo ay adagtahay in qofku u balwad uu leeyahay hore u joojiyo waxaad isku daydaa inaad badsato cabista biyaha (mineral water) aroortii hal litir oo biyo ah intaanad quraacan, mudo 3 bilood ah.

2- Hadii ay da,daadu u dhaxayso 18- 35 waxaad ogaata biya baxa hore in uu yahay wax caadi ah oo aanay dhibaato badan lahayn, waxaad isku daydaa inaad maskaxdaada ka saarto inaad biyo baxayso wakhtiga aad hawsha ku jirto, adigoo fikirkaga gaynaya meel kale si ay kaaga raagaan. Dhalinyta u dhaxaysa da,daas waxa sabab u ah in ay hore u biyo baxaan guurka oo ay ku cusubyiiin iyo farxad galmo oo qofkii awood u yeelan waayo inuu control u sameyo biya baxa(sexual excitement) taasina wax dhibaato ah kuma laha qofka haba yaraatee, waxaad isku daydaa uun inaad hawsha mudo yar kadib bilowdo(second go)

3- Calooshaada oo buuxda ama aad cunto cuntay inta aanad galmada samayn kahor, akhriste waxa dhakhaatirku isku raaceen inay qayb wayn ka tahay biya baxa ragu marka ay calooshu buuxdo(sex on full-stomach results premature ejaculation) hadaba waxa haboon inaad 3 sacadood ka hor wakhtiga aad galmoonayso wax cuntay.

4- Wakhtiga aad galmada ku gudo jirto, waxaad isku daydaa inaad jidhkaaga oo dhan ka dhigto mid dagan adigoo adeegsanaya inaad marna neefta kor u qadato marna soo dayso ( breathe in-breathe out )

5- Isku day inay xaaskagu ku tidhaahdo erayo ay ka mid yihiiin ‘jooji’ Stop it, ‘ Xaji’ (hold it) iyo qaarkale oo dhiiri galin ah, tani waxay qayb wayn ka tahay barashada galmada dheer dhinaca maskaxda iyo laqabsigaaga, u sheeg xaaskaga marka aad soo dhawdahay si ay kugu dhiri galiso inaanad biyo bixin.

6- Raga intooda badan waxa suuro gal ah inay ku fiicanyihiin marka labaad, (second round) fadlan hadii aad tahay qof ay biyuhu hore uga imanayan, isku day inaad mar labad xaaskaga u tagto adigoo inta wakhtiga u dhaxaysana xaaskaga habab kale ku mawelinaya, marka aad kacdana hawshii dhamays ka dhigaya, waa siraha ugu muhiimsan, fadlan tijaabi.

7- Fadlan jooji dawashada filimada xunxun, sawirada xunxun, iyo eegista dumarka aan asturnayn, waxay qayb wayn ka yihiin hami yaraanta, waxa kale oo haboon in qofku uu gabi ahaanba jojiyo iska keenida biyaha uu isagu iska kenayo. Qofka waxkale oo oo haboon inuu yareeyo galmada faraha badanle mudada hore ee uu rabo inuu xanuunkan ka bogsado, waxa ay culimo badani isku raacsanyihiin in galmada ugu fiican uu qofku samayn karo halkii week maalin, tani waxay soo celin kartaa tayada biyahaga iyadoo yarayn karta biya baxa badan ee had iyo jeer kugu iman kara.

8- Hadii ay dhibaatadu intaa ku istaagi waydo waxaan kugula talinaya inaad u tagto dhakhtar adigoon ka xishoonayn, fadlan ka digtoonaw dhakhatirta bixiya kaniinada biyaha rajiya ee ay ka midka yihin Viagra iyo spray’s ka la isku buufiyo kuwaas oo dhamantod xaalada sii xumeeya, waxad raadisa dhakhaatirka lo yaqan (theraphy doctors) iyagoo ku siin doona talooyinka ugu haboon.

Cuntooyinka aad cunayso!
Akhriste, cuntooyinkan waxaad cuntaa maalinkasta mudo 3 bilood ah insha allah waxaad la kulmi doontaa is badal wayn.

Cuntooyinka aad u baahantahay:-
1. Qamadida(habeenkii hadaad heli karto casho ahaan)
2. Xasiida macaan(sweet corns)
3. Baamiyaha(isaga oo qadada lagu karinayo)
4. Beans ka cad
5. bariiska
6. Sesame seeds (Tal)
7. Basasha cad (xabad maalintii way kugu filantahay)
8. Toonta oo aad cunto(very recommended)
9. Karooga, hadii aad ridqi karto isagoo bila sonkor ah
10. Coconut hadii aad helayso waa muhiim
11. Cinabka
12. Tufaaxa
13. Muuska
14. Maangada
15. Kaluunka iyo wixii sea food ah oo dhan(waa muhiim)
16. Hilibka (red meat)
17. Caanaha(nooca aan labeentu ku badnayn) law fat milk
18. Ciirta, ama yogurt, aroortii ayaad ku quraacanaysa
19. Ugu danbayn waxaad cabaysa maalintii biyo badan si ay shahwadaadu u noqoto mid tayo badan (quality semen sperm)

Cuntooyinka aad ka fogaanayso!
1- Basbaaska cas
2- Cuntooyinka dhanaanku ku badanyahay(all sour foods)
3- Tea, Coffee, Caffeine
4- Khalka lagu daro saladka (vinegar)

Guntii iyo gabagabadii mawduucan maanta, waxaan ka cudurdaaranaya inaanan maqaal iyo laba aanan kusoo koobi karin balse ay tani hordhac ku filantahay. akhriste wixii su’aal ama talo ah igu soo waydii cinwaanka hoos ku qoran.

Hibayn: Waxaan u hibeyey qoraalkan dhamaan umada afka somaliga ku hadasha intii uu anfici karo, dhalinyar iyo waayeelba, waxa hubaal ah in qaar ka mid ah bulshadeena ay dhibaatadani fara baas ku hayso, fadlan ka hortagu wuu ka fiicanyahay is dawaynta, waxaan ugu danbayn soo jeedin lahaa in aad ilaahay waydiisato caafimaad kaamil ah oo aad ku dedaasho cibadada insha allahu. Hadii aad u baahantahay reference ku saabsan cilmi baadhistan isoo dir email si aan kugu soo diro wixii resourses ee aan hayo.

Maqaalkan maqaalka xiga oo aynu kaga hadli doono, ahmiyada ay cabitaanka biyuhu u leeyihin caafimadka qofka, inta xanuun ee ay daweeyan iyo xaddiga biyaha ee uu qofku u baahanyahay maalintii.














_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog