Shir Sanadeedka saamileyda shirkada Isgaarsiinta Hormuud Telecom oo maanta Ku qabsoomay Muqdisho (Daawo Sawirada)

Thursday, March 20, 20140 comments

Shir Sanadeedka Saamileyda Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom ayaa maanta ka furmay Magaalada Muqdisho kaasoo ay ka soo qeyb galeen masuuliyiinta Shirkadda, saamileyda iyo marti Sharaf kale oo aad u fara badan, waxaa lagu soo bandhigay waxqabadka baaxadda leh ee Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ay u sameysay Bulshada Soomaaliyeed.

C/llaahi Nuur Cismaan Agaasimaha Hormuud Telecom Foundation oo Khudbad dheer oo kusaabsan wax qabadka Hey’adda ka jeediyay munaasabadda ayaa waxa uu sheegay inay wax u qabteen dad fara badan oo ka mid ah Bulshada Soomaaliyeed isagoo xusay in Curyaamiin fara badan ay ugu deeqeen Baaskiilada Curyaaminta loogu tala galay isla markaana ay shaqo u abuureen dadbadan oo xoogsato ah.

Sidoo kale Agaasimaha ayaa sheegay iney gacanta ku hayaan Schoolka indhoolayaasha oo ay ka faa’iideystaan dhammaan ardayda indhaha la’ eek u nool caasimadda iyo qaar kamid ah gobollada Dalka. waxaa kaloo uu sheegay in ay gurmad u sameeyeen dadka uu ku soo fatahay Wabiga Shabelle ee Gobolka Shabellada dhexe, sidoo kale waxuu sheegay iney afurin usameeyeen initii lagu jiray Bisha Barakeysan ee Ramadaana dadbadan badan oo ay qeyb ka ahaayeen Maxaabiista ku xiran Xabsiga Dhexe ee Magaalada Mudisho.

Maamulaha Guud guud ee Hormuud Telecom Maxamed Aadan Faarax oo isna xafladda ka hadlay ayaa u balan qaaday deeqo Waxbarasho Ardayda kaalimaha hore ka gasha Dugsiyada Dhexe ee hoos taga Dallada wax barashada.

Maxamed Aadan Faarax Maamulaha Guud ee Shirkadda Hormuud Telecom ayaa si kooban uga warbixiyay Marxaladaha kala duwan ee ay Shirkaddu ku soo shaqeysay iyo Horumarka ay ku tallaabsatay kuna soo gaartay heerka haatan ay mareyso oo uu carabaabay in horumarkaas ay gaarsiiyeen Howlwadeennada Shirkadda oo daacad nimo iyo Ammaano ah howshooda u gudaneyey.

Guddoomiyaha Shirkadda Hormuud Telecom Axmed Maxamuud Yuusuf (Axmed Sucuudi) oo shirka soo gunaanday ayaa ugu horreyn u hambalyeeyey Saamileyda, Marti sharafta, Maamulka iyo Shaqaalaha Shirkadda isagoo ka sheekeeyey Horumarka ay shirkaddu ku tallaabsatay iyo horumarka ay haatan higsaneyso.

Guddoomiyaha ayaa soo hadal Qaaday Jaamacadda Hormuud oo sheegay in dafcaddii ugu horreysay ay dhowaan Qalin jebin doonto.

Shirkada Isgaarsiinta Hormuud oo ah Shirkadda ugu weyn Shirkadaha isgaarsiinta Soomaaliya waxaa saami ku leh in ku dhow shan kun oo qof, waxaana si toos ah uga shaqeeya in kabdan 4000 oo shaqaale xirfadoodu kala duwan tahay ah halka si dadbana ay uga shaqeystaan kumanaan kale.



















_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog