Nin Oday ah oo gacantiisa ku sameestay Diyaarad Helicopter hawada Duuleysa ( Daawo Sawirada)

Thursday, March 20, 20140 comments

Nin Beeraley ah oo u dhashay Dalka Shiinaha ayaa ka yaabsaday dadyowga Caalamka kunool kadib markii Warbaahinta soo bandhigeen Ninkan oo gacantiisa ku sameestay Diyaarad Nuuca Helicopterka ah.

Li Housheng oo 52-sano jir ah , ayaa sameestay Diyaarad Nuuca Helicopter ah waxa uuna ka sameeyay Biro uu isku keen keenay , waxa uuna ugu dambeyn ku guuleestay in diyaaradaasi uu sameeyo uuna duuliyo.

Ninkan ayaa go’aansaday in uu sameesto Diyaarad yar oo Nuuca Helicopter ah si uu uga dhax shaqeesto xaafada uu dagan yahay , waxa uuna ugu dambeyn ku guuleestay riyadiisa aheed in uu Diyaarad uu isagu aliftay inuu sameeyo.

Sida Warbaahinta Caalamka tabiyeen Diyaarada uu sameestay Li Housheng ayaa Dhammaan qalabka ay ka sameesan tahay waxa ay yihiin bir, waxaana ku jira qalab xawaaraha ay ku socoto dheeraynaya, Biraha Diyaaradan lagasameeyay ayaa laga fur furay Mootooyinka Beeraha lagu fasho.

Diyaaradan uu sameestay Ninkan Shiineeska ah ayaa duulaysa 40 cm ee hawada sare, waxa ayna tilmaameen asxaabtiisa uu ninkan jeclaa noloshiisa in uu sameeyo diyaarad duuleysa ugu dambeyna hada uu ku guuleestay ka dhabeenta arintaasi.















_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog