War hadda naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa noo xaqiijiyay in ay miino ku qarxiyeen baabuur Cabdibile ah oo ay ka buuxeen Shaqaalaha dowlada Muqdisho.
Baabuurkan oo wakhtiga miinadu haleeshay marayay agagaarka leebaajada Mahad Alle ee Jidka warashadaha ayaa burbur xoog lihi soo gaaray, waxana goobta dhaawac iyo dhimasho ku noqday masuuliyiin badan oo u socday in ay soo kormeeraan goobahaasi oo dhawaanahaan kusoo xogeysteen Alshabaab.
Xaaladda goobta qaraxu ka dhacay ayaa hadda qasan waxayna xireen ciidamada dowlada jidka oo dhan, waxay ridayaan xabado badan oo u muuqda kuwo fulaynimo ah.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com