Warar Dheeraad ah oo kasoo Baxaysa Odayaal Dhaqametyo Taageersan Madaxweyne Madoowe Nuunoow oo la laayay Maanta!!

Monday, March 24, 20140 comments

Faah Faahin Ayaa kasoo baxaysa Odayaal Dhaqameedyo Maanta Lagu laayay Degmada Buur Hakaba ee Gobolka Baay kadib Markii lagala degay gawaari ay la socdeen oo marayay Buundada Degmada Buur Hakaba ee Gobolka Baay.

Wararka Ka Imaanaya Degmada Buur Hakaba ayaa Sheegaya in Xubnhaa La dilay ay ahaayeen Odayaash Golaha Dhaqanka ee Beelaha Digil iyo Mirifle ee Taageersan Madaxwaynaha Cusub ee Maamul goboleedka lixda gobol Madoowe Nuunoow Waxana lagu dilay Odyaashaan duleedka Degmada Buur Hakaba ee Gobolka Baay.

Odayaashaan ayaa waxaa lagala degay gawaari ay la socdeen, xilli la sheegay in ay marayeen Buundada Degmada Buur Hakaba, isla-markaana la dilay Waxaa Hadalkaas Yiri Mid kamid ah Odayaasha ku Dhaqan Buundada Degmada Buur Hakaba ee Gobolka Baay oo u Waramayay Saxaafadda Soomaalida.

Sidoo kale Odaygaan u Waramay Saxaafadda ayaa ku Daray Hadalkiisa “Xoogag hubeysan ayaa Odayaasha si khasab leh ugala deggeen gawaaridii ay la socdeen, isla-markaana si wadareed loo dilay.

Odayaasha la dilay, ayaa waxaa la sheegay in tiradoodu ay tahay 7 Oday isla-markaana meydadkooda, ayaa la soo dhigay afaafka hore ee Degmada Buur Hakaba.

Wixii Warar ah ee kasoo Baxa Amuurahaan Kala Soco Wararkayna Dnabo Insha Allah..











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog