Xarakada Al-Shabaab oo gar gaar u qeybisay soona dhaweeyay Qoysas ka barakacay Degmada Qoryooley (Daawo Sawirada)

Thursday, March 27, 20140 comments

Maamulka Al-Shabaab ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa Deegaanka Buulo Mareer, waxa ay kusoo dhaweeyeen qoysas kasoo barakacay Degmada Qoryooley ay dhawaan la wareegeen Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM.

Al-Shabaab ayaa dadkan barakacayaasha waxa ay kusoo dhaweeyeen Deegaanka Buulo Mareer , waxaana dadkan gaaray halkaasi Shabaab u qeybiyeen Raashin kala duwan sida Sokor , Bur ,Bariis iyo Saliid.

Dagaalyahano katirsan Al-Shabaab ayaa qoysaskan barakacayasaha ah u gurmaday kana soo dajinanayay gaadiidka deegaankaasi keenay , waxaana la arkayay Masuuliyiin katirsan Al-Shabaab oo dadkan kusoo dhaweenay Deegaanka Buulo Mareer.

Degmada Qoryooley ee Gobolka Sh.Hoose ayaa waxaa ka barakacay inta badan dadkii dagnaa kuwaa oo ka cabsi qabay in dushooda ku dagaalamaan Ciidamada Huwanta ah ee dhawaan qabsaday degmadaasi iyo Xoogagii shabaaba ee iyana laga saaray Degmadaasi.





























_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog