Aqriso Axmed Madoobe oo kulan Saacado badan qaatay la yeeshay Madaxweynaha Kenya iyo Xog laga helayo waxii ay kawada hadleen

Thursday, March 27, 20140 comments

Madaxweynaha Maamulka KMG ee Jubba Sheekh Axmad Maxamed Islaam(Axmed Madoobe) oo xiligan kusugan Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa kulan balaaran la qaatay madaxda ugu sareysa Dalkaasi ,iyagoona kawada hadlay arimo kala duwan.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Sheekh Axmed Madoobe maalintii shalay kulan saacado badan qaatay la yeeshay Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kinyatta iyo Madax kale oo katirsan Dowlada Kenya.

Labada Dhinac ayaa kawada hadlay arimo badan oon wali Saxaafada loo wada shaacin , hasa ahatee Warar soo baxaya ayaa sheegaya in labada dhinac kawada hadleen arimaha Jubooyinka iyo sidii Ciidamada Jubba iyo kuwa Kenya ugu dhaqaaqi lahaayeen Deegaanada Al-Shabaab ka joogaan Gobolada Jubooyinka.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kinyatta ayaa sidoo kale Sheekh Axmed Madoobe kala hadlay sidii deegaanada Al-Shabaab laga qabsaday loogu celin lahaa dadka qaxootiga ah ee kasoo jeedo Goboladaasi oo hada kusugan Gudaha Dalka Kenya.

Ciidamada Kenya ayaa gacan weyn ka geestay qabsashadii Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose , waxaana hada socda qorshe la doonayo in Maamulka Jubba uu isku fidiyo Gobolka Jubada Dhaxe oo gabi ahaan gacanta ugu jira Al-Shabaab.

Sheekh Axmed Madoobe iyo Xubnaha maamulkiisa katirsan ee la socda ayaa la filayaa in faah faahin dheeraad ah ka bixiyaan waxii kawada hadleen Maamulkooda Madaxweynaha Dowlada Kenya Uhuru Kinyatta.

Hogaamiyaha Maamulka Jubba ayaa xariir hoose waxa uu la leeyahay Dowladaha Kenya iyo Itoobiya oo gacan weyn ka siiyay sidii uu u qabsan lahaayeen Magaalada Kismaayo una noqon lahaa Hogaamiyaha Maamulka Jubba.










_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog