Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegtay in guulo waa weyn ka gaareen Dagaal shalay ka dhacay Degaan lagu Magacaabo Fiidow oo katirsan Gobolka Shaeelaha Dhaxe, kaa oo u dhaxeeyay Ciidamo katirsan Milatariga Sooamaaliya iyo Al-Shabaab.
Afhayeenka Dhinaca Howlgalada Al-Shabaab Sheekh Cabdi Casiis Abuu Muscab oo warbaahinta Shabaab la hadlay aya sheegay in Dagaalkii shalay ka dhacay Deegaanka Fiidow qasaaro aad u xoogan ku gaarsiiyeen Ciidamada Dowlada.
Abuu Muscab ayaa sheegay in Ciidanka Dowlada ka qabsadeen Sadax gaari oo labo kamid ah ay Yihiin kuwa Dagaalka iyo hal booyad , waxa kale uu sheegay in gaadiid kalana ay ka gubeen , ayna kala wareegeen hub iyo rasaas ay ka carareen ciidanka.
Dhinaca kale Sargaal katirsan Maamulka Gobolka Sh/Dhaxe ayaa beeniyay warka ay Shabaab sheegeen , waxa uuna xusay in Ciidanka Dowlada ay ka gun gaareen ujeedkooda ayna gaareen sida uu sheegay Degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan.
Shalay ayey aheed markii Ciidamo katirsan Milatariga Soomaaliya oo ka baxay magaalada Jowhar uu dagaal ku qabsaday deegaanka Fiidow xili ay kusii jeedeen deegaano katirsan Gobolka Hiiraan oo hada lasoo sheegayo in ciidamadu gaareen.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
