Daawo Gudoomiyaasha Cusub ee Degmooyinka Gobolka Banaadir oo ku mashquulsan Baraha ay Bulshada kuwada xariirto!!

Thursday, April 24, 20140 comments

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa dhawaan isbadal balaaran waxa ay ku sameeyeen inta badan maamulkii Degmooyinka Goblka Banaadir ,iyadoona Gudoomiyaal Degmo laga dhigay dhalinyaro dalka dibadiisa intooda badan wax kusoo bartay.

In ka badan 10-Gudoomiye Degmo ayaa si rasmi ah maalmihii lasoo dhaafay waxa ay ula wareegeen xilkooda , waxa ayna hada qaar badan oo kamid ah dhalinyaradaasi ku shaqo bilaabeen xafiisyadii Degmooyinka.

Arimaha ay dadku sida aadka u hadal hayaan ayaa ah in Dhalinyarada Gudoomiyaasha laga dhigay intooda badan ay ahaayeen kuwa si aad ah u isticmaala Internetka gaar ahaan baraha Bulshadu kuwada xariiraan sida Facebooka.

Gudoomiyaasha Cusub ayaa hada intooda badan noqday kuwa waqti badan ku bixiya Isticmaalka Baraha Internetka , waxa ayna inta badan ku mashquulsanyihiin baraha Buslshada kuwada xaiiraan siiba Facebooka ay soo dhigaan sawiro ay isaga qaadeen xarumaha Degmooyinka loo magacaabay, qaar kamid ah Hoteelada Muqdisho iyo sawiro laga qaaday markii y xilka la wareegayeen.

Gudoomiyaashii hore ee Xilka laga qaaday ayaa intooda badan waxa ay ahaayeen kuwa aan isticmaalin Internetka ,waxa ayna taa badalkeeda ku mashquulsanaayeen wax qabad dhinaca amaanka iyo soo celinta Bilicda Magaalada Muqdisho.

Dadka Siyaasada Falanqeeya ayaa aaminsan in Dhalinyarada Gudoomiyaasha Degmoo loo magacaabay intooda badan aan wax qabad muuqda laga rabin , balse ujeedka kaliya uu ahaa in uu isbadal dhaco meeshana laga saaro Gudoomiyaal badan oo awood isbaday.











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog