Aqriso: Biyaha ninka kuwa ugu daran sidey u yaalaan maxaasee badiya manida

Monday, April 7, 20140 comments

Biyaha ninka ama shahwadu (Manidu) waa walax duuf ah oo uu ninku ku tuuro ilma-galeenka xaaskiisa kolka uu gaaro heer biyabbax. Xawadu kolka ay soo baxayso waxay leedahay midab jaalle xigeen ah oo u eg casaanka ukunta, ha yeeshee waxay dareere dhegdheg ah isu beddeshaa kolka ay hawadu ku dhacdo. Waxa kale oo ay leedahay ur gaar ah oo uu sababo dheecaanka borostaatku.

Xawadu waxay si joogta ah ugu samaysantaa labada xiniinyood laga billaabo xilliga qaan-gaarnimada (13-15 jir), waxanay ka samaysan tahay madax ay ku jiraan Hiddo-sideyaal (Genes), iyo dib u fududeeya inay dhaqdhaqaaqdo. Xawadu waxay ku noolaan kartaa gudaha habdhiska taranka naagta muddo afar maalmood ah.

Halkii tuurmo oo xawa ahi waxay u dhigantaa 3-6cm oo saddex jibbaaran ama 220-300 milyan oo unugyo jinsiyeed (Sperms) ah.

Xawadu intaanay ka bixin jirka waxay soo martaa masaafo aad u fog oo ku dhow laba mitir oo dherer ah. Kolka istiinku uu gaaro heerka ugu sarreeya, geedka ninku waxa uu tuuraa shan ilaa siddeed tuurmo oo xawo ah isaga oo sidaasi kaga takhallusaya wax kasta oo ku jira.

manida midda cad oo adag ayaa ugu xoog badan, waxyaalaha badiya manida waxaa ka mid ah basasha iyo kalluunka iyo ukunta











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog