Fiirso Sawir Ciidamada Kenya oo Sharafta ka qaaday Dumarka Soomaaliyeed si qasab ahna gaari aysan fuuli Karin ku saaraya (Daawo Sawir Muujinaya)

Monday, April 7, 20140 comments

Ciidamada amaanka Kenya ayaa maalmihii lasoo dhaafay Xaafada Islii ee Magaalada Nairobi waxa ay ka wadeen howgalo lagu raafayo dadka Soomaaliyeed ee Dagan xaafadaas,i kadib qaraxyo qasaaro dhimasho geestay oo todobaadkii hore halkaasi ka dhacay.

Ciidamada Dowlada Kenya ee Howlgalka wada ayaan kala sooceyn dadka Soomaaliyeed kuwooda Sharciga leh iyo kuwa aan laheyn ,waxa ayna xirayaan xitaa Dumarka iyo Caruurta Soomaaliyeed ee kunool Xaafada Islii .

Sida Sawirka Idinkaga muuqata Ciidamada Amaanka Kenya ayaa gaari weyn waxa ay si qasab ah ku saarayaan Hooyooyin Soomaaliyeed oo wata caruurtooda qaarkoodna umulyihiin , waxaana Hooyooyinka marka ay gaariga fuuliwaan si qasab ah gacmaha ula galaya oo gaariga ku riixaya Ciidamada Kenya.

Dhacdooyinka kasocda Xaafada Islii ayaa ah kuwa Sharafta looga qaadayo Hooyooyinka iyo Gabdha Soomaaliyeed oo lagu xiro meel aan la ogeyn , mana jirto Safaarad iyo Dowlada dadkaasi lagu xadgudbayu damqaneysa.

Dalka Kenya wax dhibaato ah haba yaraatee looguma geesto Muwaadiniinta kale aan u dhalan ee Dalkaasi kunool , sababta arintaasi keentay ayaana ah in ay leeyihiin Dowlada looga cabsado oo xuquuqdooda u doodaya .












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog