: Cabeebka Xubinta Galmada

Wednesday, April 9, 20140 comments

Cabeebka badanaa waxaa sababa noole ilma qabato ah oo loo yaqaan candida albikaans. Calaamadaha haweenka lagu arko waxaa ka mid ah danqasho iyo cun-cun gudaha iyo agagaarka xubinta galmada, iyadoo isku badasha casaan iyo caabuq. Markuu infakhshanku aad u daran yahay waxaa lagu gartaa barar. Cabeebkaas wuxuu kaloo sababi karaa kaadida oo qofka gubta, dheecaan saa’id ah oo aad moodo sida burcadka ama kareem. Xaaladaha aadka u daran waxaa laga yaabaa in maqaarka uu dil-dilaaco. Lamaanaha is qaba way is qaadsiin karaan markay raga ku dhacdana waxay ku sababi kartaa xanuun iyo caabuq saameeya ibta xubinta taranka raga.

Yuu ku dhacaa

Cabeebku wuu ku dhici karaa qof caafimaad qaba inkastoo uu ku badan yahay dadka qaba sonkorowga, haweenka uurka leh, marka daawada antibiyootikada la qaato ama marka qofku jirado oo difaaca jirkiisa hoos u dhaco.
Daawooyinka

Daawooyinka lagu daaweeyo cabeebka waxaa ugu caansan laba daawo oo la kala yiraahdo Canesten (clotrimazole) iyo Gyno-Daktarin (Miconazole). Mararka qaarkood waxaa lagu taliyaa in labadooda la isku badalo markii mid shaqeyn waydo. Daawooyinkaas waxaa loo sameeyaa iyagoo ah kaniini la dhex galiyo ama kareem la mariyo. Haddii taasi wax ka tari waydo waxaa lagu taliyaa hal kaniini afka laga qaadan karo hal mar kaliya kaasoo ka baabi’inaya noolahaas dhamaan jirka.
Cabeebka raga waxaa badanaa lagu daaweeyaa kareem 10-14 maalmood la marinayo ibta xubinta galmada 3 jeer maalintii. Waxaa kaloo lagu daaweyn karaa kaniini hal mar la qaadanayo. 
Calaamadaha cabeebku waxaa laga biskoodaa 10 maalmood kadib marka daawada la bilaabo. Dumarka u nugul cabeebka waxay badanaa u baahdaan inay daawada qaataan dhowrkii isbuucba mar ama biloodba. Waa muhiim haddii cabeebku uusan biskoon 10 maalmood gudahood inaad dhakhtar u tagtid.
Ka hor-taga:

Raga iyo dumarka is qaba waa isku gudbin karaan noolahan sidaas darteed waxaa lama huraan ah in saygeedana laga daaweeyo haweenayda uu ku soo noq-noqdo cabeebku haddii u isna calaamadaha leeyahay. Sidoo kale raga qaba cabeebka waxaa yaraata inuu ku soo noq-noqdo haddii isaga iyo marwadiisa isku mar la isla daaweeyo. 
Canesten combi pack (Clotrimazole) For women Canesten combi pack (Clotrimazole) 1 treatment One dual pack (500mg pessary plus10g 2% cream £12.00
Canesten combi pack


(Clotrimazole)For women Canesten combi cream (Clotrimazole) 2 treatments Two dual pack (5g vaginal cream plus 10g 2% cream)£16.00 Canesten combi pack (Clotrimazole)for women Canesten 100mg pessaries (Clotrimazole) 6 pessaries with applicator 1 treatment£9.40 Canesten combi pack (Clotrimazole)Canesten thrush cream (Clotrimazole) 20g tube 2% cream£6.40 Gyno-Daktarin ovule (Miconazole) One ovuleGyno-Daktarin ovule (Miconazole) One ovule (1.2 grams) 1 treatment£7.60 Gyno-Daktarin ovule (Miconazole) One ovuleGyno-Daktarin intravaginal cream 78 grams with applicator£12.20 Fluconazole 150mg capsulefor men and women one time use£10.00












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog