Ciidamada Dowlada Soomaaliya oo gacan Milatari ka helaya Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah AMISOM ayaa la wareegay Deegaan Muhiim ah oo u dhaxeeya Degmooyinka Xudur iyo Waajid ee Gobolka Bakool.
Ciidamada Huwanta ayaa saakay Weeraray Deegaanka Lagu Magacaabo Kulan Jareer oo Qiyaastii 45-KM u jira Degmada Xudur , Deegaankan waxaa gacanta ku hayay Dagaalyahno katirsan Al-Shabaab oo kala xiray Degmooyinka Xudur iyo Waajid.
Gudoomiyaha Degmada Xudur ee Dowlada Soomaaliya Maxamed Mcaalin ayaa sheegay in Ciidamada Huwanta ay maanta u suurto gashay in Al-Shabaab ka saaraan Deegaanka Kulan Jareer oo u dhaxeeya Degmooyinka Xudur iyo Waajid.
Maxamed Macalin ayaa sheegay in Deegaankaasi hada ay gacanta ku hayaan kana saareen Shabaabkii ku sugnaa , waxa uuna tilmaamay in dagaal kooban uu dhacay ay qasaarooyin ku gaarsiiyeen Dagaalyahanada Al-Shabaab.
Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa saldhigyo ciidan ay ku leeyihiin Deegaano badan oo hoostaga Degmooyinka Xudur iyo Waajid , waxaana Shabaab ay Go’doomiyeen labadaasi Degmo oo ay u diideen in Ciidamada Huwanta ay gaaraan Sahay.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
