acdoon ka dhan ah dowladda oo laga cabsi qabo inuu Muqdisho ka dhaco hadii la is hortaago mowshin ka dhan ah jaadka Kenya.

Monday, April 28, 20140 comments

Magaaladda Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxaa ka taagan guux iyo hadal heyn badan oo ka imaaneysa ururada bulshada rayidka, culumaa’udiinka iyo dadweynaha kale oo ku aadan talaabo xubno ka tirsan xukuumadda Cabdiweli ay doonayaan inay isku hortaagaan mowshin lagu joojinayo jaadka ay Kenya u soo dhoofiso Muqdisho.

Arintan ayaa soo shaac baxday kadib markii wafdi ka socda ganacsatada jaadka ee Meru oo ay wehliyaan ganacsato soomaali ah ay soo gaareen Muqdisho kulamana la yeesheen xubno ka tirsan golaha wasiirada ee Soomaaliya, iyadoo kulamadan ujeedadoodu ahayd in looga hortago mowshin xubno ka tirsan baarlamaanku ay ku doonayaan in lagu joojiyo jaadka Kenya ka yimaada.

Waxaa Muqdisho ka socda kulamo si hoose ay u yeelanayaan ururada bulshada rayidka ah oo ay ku doonayaan inay kaga jawaabaan hadii la laalo mowshinka ka dhanka ah jaadka kenya ka yimaada, waxaana la filan karaa in ururadan ay dibadbaxyo waaweyn oo ka dhan ah dowladda federaalka Soomaaliya ay ka dhigaan Muqdisho.

Hadiiba uu xiligan dhaco dhibadbax lagu hor istaagayo danaha ganacsi ee Kenya waxaa uu helayaa taageero fara badan waayo in badan oo dadka Muqdisho ku nool ayaa eheladoodii Kenya ku sugnaa ay ku dhibaateeyeen ciidamada dalkaas, waxaana caradaas ay u qabaan Kenya u wehliya tan ay u qabaan dowladda federaalka Soomaaliya oo sidii la rabay aanan uga jawaabin xadgudubyadii dhacayey.












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog