Daawo Ciidamada Dowlada oo maanta is hortaag ku sameesay Banaanbax kasocday Magaalada Muqdisho

Wednesday, April 9, 20140 comments

Waxaa Maanta Dibad bax nabadeed oo looga soo horjeeday Dhibaatada loo geesanayo Soomaalida kunool Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka dhacay qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho.

Dad iskood isku soo abaabulay kana damqaday dhibaatada Ciidamada Kenya u geesanayaan dadka Soomaaliyeed ee kunool Magaalada Nairobi ayaa manta isugu soo baxay qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho.

Ciidamada Booliiska Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaana dadkan dibad baxa dhigayay waxa ay ku kala direen xoog , waxa ayna ku qasbeen dadkii dibad baxa dhigayay in ay kala tagaan .


Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Ciidamada Booliiska Dowlada ay xabsiga dhigeen qaar kamid ah dadkii soo qaban qaabiyay dibad baxa maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho ee looga soo horjeeday dhibaatada lagu hayo Soomaalida kunool Dalka Kenya .

Soomaalida kunool Wadamo badan oo caalamka kamid ah ayaa qorsheenaya in ay dhigaan dibad bax looga soo horjeedo dhibaatada lagu hato Soomaalida kunool Dalka Kenya , waxaana dad badan manta ay caro ka muujiyeen dibad baxa manta Ciidamada Dowlada ay xooga ku joojiyeen.











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog