Xoghayihii Degmada Wadajir oo manta lagu dilay Qarax Gaarigiisa loogu soo xiray (Daawo Sawirada)

Wednesday, April 9, 20140 comments

Waxaa Maanta Degmada Wadajir ka dhacay Qarax Miino oo gaarigiisa loogu soo xiray Xoghayihii Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, qaraxa ayaana dhacay markii Xoghayaha uu kasoo baxay Gurigiisa oo kuyaala Xaafada Xaawo Taako .

Qaraxa Miino ee lagu dilay Xoghayihii Degmada Wadajir Maxamuud Xaaji Deel ayaa la sheegay in loogu soo xiray gaarigiisa gaar ahaan kursiga uu ku fadhiisto , waxa uuna qaraxa ahaa nuuca meelaha fog fog laga hago sida ay ku warameen Masuuliyiin katirsan Degmada Wadajir.

Goob joogayaal ayaa ku waramay in Qarax uu saameyay inta badan jirka Xoghayahii Wadajir, lamana soo sheegin cid kale oo waxyeelo kasoo gaartay Qaraxa maanta ka dhacay Xaafada Xaawo Taako ee Degmada Wadajir.

Ciidmada Maamulka Degmada Wadajir ayaa durba soo gaaray halka uu qaraxu ka dhacay , waxa ayna goobta ka qaadeen oo xarunta Degmada Wadajir Geeyeen meydka Xoghayihii Degadaasi Maxamuud Xaaji Deel.

















_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog