Walaalkeyga Soomaaliga ahow hadaan uun iska joogno, subaxdigii caloosha hadii Alle wax noo sahlo iska cuno, markaan hadleynana aan afka ka dhahno “Wallahi wadankaan dhib ayaa ka jira, koox heblayo iyo koox heblaayo ayaa ka danbeysa” deetana aad iska aamustaan waligeyn meeshaan uun baan taagnaaneynaa, dhibkana kama baxeyno, waxana u nuglaanaynaa SHISHEEYAHA IYO DANAYSTAYAASHA, dawacaduna waa ey na cuni, hadaynaan sameynin intaan hoos ku xusan:
• Hadeynaan u istaagin innagu, dhihin xumaanta MAYA, wanaagana HAA.
• hadaynaan waqtigeena, maalkeena iyo nafteena u hurin sidii Dalkeena iyo Dadkeenuba u hiigsan lahaayeen horumarka asaageyn hiigsanaayo.
• Hadeynan dhihin Qabyaalad iyo Qolo qoleyn DIIDNAY oo WAAN KA DAALNAY.
• Hadeynaan diidin kutiirsanaanta asaageyn, oo aynan khayraadka dhulkeena ku jirta la soo bixin.
• Hadeynaan kuwa qabiilka mansibka siyaasadeed ku raadsanaya dhihin MAYA! “Bal eeg booliduu helo isgaa daaro ku jeexda qabiilna waxba kama siiyo hadana waxay dhibane u yihiin danystanimadiisa, hadaba maxaan ugu duubanahay, shaqsi daniista ah!!!” waa su’aal???
Walaalayaal wixii xumaan ah oo idil waan sameynay, aan bilowno wanaga, adiguna hada bilow.
Umadyahey Qabiilkiyo qaranimodu waa labo, aan is qaadan Karin oon waligood is qabaneyn.
Qabyaalad ayaa sabab u ah khilaafka dhaxdeena ah, qaxa, qaxootinimoda, qeybqeybinta, qaraxa, qori xal kudoonka, quursiga iyo qaran diidnimoda.
Dugsi ma leh qabyaaladi waxey dumisa mooyaane.
Maslaxada qof kasta oo Soomaali ah waxey ku jirta Midnimoda iyo wada jirka dadka iyo dalka Soomaaliyeed.
Umadi waliba aayaheeda iney garato iyadaa leh.
Midnimada iyo Wadajirka Dadka iyo dalkeenu waa sharaf iyo cizi aan kufaani karno, qeybqeybintiyo qoloqoleyntiisuna waa duli iyo daciifnimo noosoo hoyata.
Hadaan qolo qolo iyo koox koox u qeybsano waxaan noqoneynaa qaryado aad u tag daran oo shisheeyuhu si fudud u maamulo, weyna adkaan doontaa in aan nabad kuwada noolaano.
Qeybi oo xukun, qaryad kastana qunsuliyad ka furo sidii qaramo waaweyn, waa siyaasada cadawga Soomaaliyeed.
Danta gaar ahaaneed waxey ku dhex jirtaa danta guud oon daacad ka ahaato
Xalka Soomaaliya wuxuu yaal dhaxdeena, mana aha in aan meel kale ka doono, waana in aan wada hadalno inagoo isku calool iyo qalbi furan oo keena wax dulmiyay cafis dalbanaayo, oo keena la dulmiyey uu u cudurdaaraayo kankale.
Maanta waa maalintii qofkasta oo Soomaali ah oo damiir iyo diig leh uu fadhiga ka kici lahaa, sidii uu halgan ugu geli lahaa soocelinta madaxbanaanida, qaranimoda, midnimada iyo sharafta umada Somaliyeed.
Balanteenu waa aragti dheeri, wada hadal, is cafis, wadajir iyo Midnimo.
Wa Billaahi Towfiiq
GOLOHA DHALINYARADA MIDNIMO-DOONKA SOOMAALIYEED (GDMS)
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com