Daawo Sawirada Urur ay ku midoobeen qalin-jebiyayaasha Jaamacada Banaadir oo hogaan cusub loo caleemo saaray

Saturday, April 19, 20140 comments

Munaasabad uu xilka ku wareejinayey hogaankii hore ee ururka ardayda ka qalin jebisay Jaamacada Banaadir isla markaana lagu caleemo saarayey hogaanka cusub ee ururkaas ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Waxaa munaasabadaas ka soo qeyb galay masuuliyiinta Jaamacada Banaadir, qaar ka mid ah hormuudyada kuliyadaha iyo ardayda Jaamacadaas, aqoonyahanada horey uga qelin jebiyey Jaamacadda ee ku mideysan ururkan qaarkood iyo marti sharaf kale.

Gudoomiyihii hore ee ururka qalin-jebiyeyaasha Jaamacadda Banaadir Dr. Maxamed Isxaaq Cilmi oo munaasabadaas ka hadlay ayaa sheegay in muddo sadex sano ah oo uu xilkaas hayey ka dib uu ku faraxsan yahay inuu ku wareejiyo hogaan cusub oo howsha ururka dardar geliya.

“Ururkan qalin-jebiyeyaasha Jaamacadda Banaadir waxaa la aasaasay bishii Abriil sanadkii 2011-kii, waxaana ku mideysan ardayda ka qelin jebisa Jaamacada Banaadir kuliyadaheeda kala duwan, ujeedada loo aasaasay waxaa ka mid ah inuu xoojiyo xiriirka iyo iska warqabka ardayda ka baxday Jaamacada iyo iney ka tashadaan qaabka ugu haboon ee ay bulshada uga faa’ideyn lahaayeen aqoonta ay barteen” ayuu yiri Dr. Maxamed Isxaaq Cilmi oo xusay in ururkan fekerka lagu aasaasay ay wax ku laheyd jaamacadda Banaadir hase ahaatee maamul ahaan uu ka madax banaan yahay.

Maxamed Isxaaq Cilmi ayaa ku dheeraaday waxqabadka ururka mudadii sadexda sano aheyd ee uu hayey xilka, isagoo xusay inuu sameeyey heykalkii uu ku shaqeyn lahaa ururka, lana dhisay guddi fulin iyo gole dhexe oo uu tilmaamay in hadda ururka uu leeyahay, kuwaasoo uu xusay iney ku shaqeeyaan xeerar loo sameeyey.

Sidoo kale, waxaa uu xusay in ururku uu xubin iyo wada shaqeynba la leeyahay ururo caalami ah, isagoo tilmaamay iney howlo samafal oo lagu daweeyey kumanaan bukaan ka sameeyeen xeryaha barakacayaasha magaalada Muqdisho iyo degaanka Km50 ee gobolka Sh/hoose, wuxuuna hogaanka cusub u rajeeyey u rajeeyey inuu wax badan ka qaban doono horumarinta ururkan.

Gudoomiyaha cusub ee Ururkan ururka qalin-jebiyeyaasha Jaamacada Banaadir C/kariin Cibaar oo isna munaasabada khudbad ka jeediyey ka dib markii xilka ururkaas si buuxda loogu wareejiyey ayaa waxaa uu u mahad celiyey maamulkii ka horeeyey oo uu ku amaanay iney qabteen shaqo wanaagsan ururkana ay soo gaarsiiyeen heerka uu maanta taagan yahay.

C/kariin Cibaar oo hadalkiisa sii wata ayaa balan qaaday inuu ku dedaali doono sidii uu wax badan uga qaban lahaa horumarinta ururka isagoo xubnaha ururka ka codsaday iney gacan ku siiyaan shaqadiisa, wuxuuna u mahad celiyey Jaamacada Banaadir oo uu xusay iney mar kasta ururka la garab taagan tahay taageero joogto ah oo dhinac walba leh.

Gudoomiyaha Jaamacada Banaadir Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo isna munaabadaas ka hadlay ayaa mamulkkii hore ee Ururka qalin-jebiyeyaasha Jaamacadda Banaadir isagoo maamulka cusubna u rajeeyey inuu sii xoojiyo waxqabadka ururkaas wuxuuna balan qaaday in jaamacada Banaadir ay mar walba diyaar u tahay iney ururka taageerto maadaama ay xubno ka yihiin ardaydii ka qelin jebisay.

“Waxaan ku baraarujinayaa aqoonyahanada ururkan iney ka qeyb qaataan howlaha loogu adeegayo bulshada iyagoo ka faaiideysanaya aqoontooda, ayna ka qeyb qaataan cilmi baaristada kala duwan ee ay sameyso jaamacadda Banaaadir” ayuu intaa ku daray gudoomiyaha.

Dr. Dalmar ayaa tilmaamay in ururkan uu xubin buuxda ka noqon doono wixii hadda ka dambeeya hogaanka Jaamacada Banaadir iyo mu’asasada Jaamacada maamusha si aqoonta ay leeyihiin Jaamacada loogu horumariyo, isagoo xusay in sanadkan ay todoba ka mid ah kuliyadaha jaamacada sida Beeraha, sharciga, iyo Cilmiga xoolaha ay ka qelin jebiyeen aqoonyahano badan oo ururkan xubno ka noqon doona.

Sidoo kale waxaa munaasabadaas ka hadlay Qaar ka mid ah arday xiligan ka qelin jebisay Jaamacada Banaadir oo ay ka mid aheyd Eng. Farxiyo oo sheegtay iney ku faraxsan yihiin ka mid noqoshada ururka qalin-jebiyeyaasha Jaamacada Banaadir, iyadoo balan qaaday iney la shaqeyn doonaan hogaanka cusub ee ururkooda.

Hormuudka kuliyada Caafimaadka ee Jaamacada Banaadir Dr. Maxamed Maxamuud Biday, gudoomiye ku-xigeenka mu’asasada Jaamacadaas Dr. C/risaaq Xasan Cali iyo xubno kale oo ka hadlay munaasabada ayaa iyana ku booriyey aqoonyahanada xubnaha ka ah ururkan iyo hogaankooda cusub iney la yimaadaan waxqabad iyo wada shaqeyn dhab ah dantooda gaarka ah ka hormariyaan mida guud si horumar laga wada faaiideysto loo helo


















_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog