DAAWO SAWIRADA Halkii qof ee dumarka ka ahayd guddomiyayaasha Gobolka Banaadr oo xilKii laga wareejiyay.

Friday, April 25, 20140 comments

Gudoomiyihii Degmada Wardhiigley ee Maamulka Gobolka Banaadir Deeqa C/qaadir, ayaa maanta si rasmi ah u wareejisay xilkaasi, ka gadaal markii bilowgii toddobaadkaan la soo magacaabay Gudoomiyaha cusub ee Degmadaasi.

Munaasabad maanta lagu qabtay Xarunta Maamulka Degmada Wardhiigley, ayaa waxaa xilka kula wareegay Yaasiin Nuur Ciise, Gudoomiyaha cusub ee Degmada Wardhiigley.

Deeqa C/qaadir, ayaa goobtaasi ka sheegtay in ay ku faraxsan yahay ninka dhalinyarada ah ee lagu soo bedelay, iyadoona balanqaaday in ay la shaqayn doonto, kuna soo dhoweyneyso Degmada lagu naaneyso Warta Dhiigga.

Yaasiin Nuur, ayaa dhankiisa soo dhoweeyay sida quruxda badan leh, ee Khamiistii maanta xilka ugu wareejisay haweeneydii kaliya ee ka soo muuqatay Maamulada Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Dhinacyo kala duwan oo ka hadlay Madasha Munaasada, ayaa soo dhoweeyay isbedelka ka curtay Maamulka Degmada Wardhiigley, muddo dhowr sanadood kadib.

Isbedelkaan waxa uu qayb ka yahay isbedelada uu Hogaanka Maamulka Banaadir ku samaynaayo Maamulada Degmooyinka leesku yiraahdo Gobolka Banaadir.
















_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog