Khasab miyaa inuu maxram la socdo dumarka markay doonayaan inay tagaan goobaha shiishada lagu cabo ayagoo doonaya iney cabaan shiishada.
Doodan ayaa ahayd mid ka socotay baryihii ugu dnbeeyay baraha internet-ka ee ay bulshada ku wada xiriiraan ee dalka Sacuudi Carabiya.
Doodan ayaa billaabatay kaddib markii la soo dhigay barta Twitter-ka sawir laga soo qaaday meel lagu cabo shiishadda.
Goobtan lagu cabo shiishada ayaan loo oggoleyn in ay galaan dumarka aanay la socon maxramkooda.
Maxram la’aan laguuma oogalanayo in aad gashid oo aad xitaa ka qaxweysid hotellada qaar.
Shiishadda oo sidoo kale loo yaqaan Hookah ayaa ragga iyo dumarka ay isku si ugu cabaan gudaha wadammada Carabta.
Shiishadda ayaa lagu cabaa tuubo, iyadoo madaxa horana la saaro tubaako lagu daray qudaarta qaarkeed taaso dadka markey dhuuqaan ay qiiq sanka ka sii daayaan, waxaana la cabaa shiishadda xilliyada nasiinada.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
