Sida qaar ka mid ah warbaahinta dalka Ingiriisku ku warameen, shirkada gaadiidka farsamaysa ee Nissan ayaa ku guulaysatay, tijaabinta gaari si iskii ah isagu isaga nadiifinaya wixii wasakh ee gaarigaasi soo gaara, taas oo ku salaysan nidaam casri ah oo farsamadiisa lagu soo daray
Nidaamkan cusub oo ay heleen injineero dhalashadoodu tahay Ingiriis waxa uu gaadhigaas awood u siinayaa, in wasakh kasta oo khafiska gaadhiga soo gaadha, uu deg deg isaga nadiifinayo, waxaanu qaabkaasi yahay, mid lagu ladhay Ranjiga, oo dhamaan wixii wasakh ah, aanay u suura galayn inuu ku dhego dheeha sare, xitaa haddii ay ka tahay dhoobada iyo wixii la mid ah,
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com