Daawo Wiil iyo gabar dhalinyaro somali ah oo xalay si zun logu dilay wadanka…

Sunday, April 13, 20140 comments

Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota, ayaa waxaa xalay lagu dilay laba qof oo Soomaali ah, oo middi ay gabar tahay, halka midka kalana uu nin dhalinyaro ahaa.

Labadaan xubnood, ayaa lagu dilay agagaaraha Wadada Lake street, xilli ay saarnaayeen gaari nooca raaxada ah, isla-markaana dilkooda waxa uu yimid, markii rasaas lagu harqiyay.

Ilaa iyo hadda lama garanaayo cidda dilka geysatay iyo waxa ay isugu jiraan, laakiin Boolisku waxay wadaan baaritaano la xiriira wiilka iyo gabadha ee la dilay.

Afhayeen u hadlay Booliska Minneapolis oo lagu magacaabo John Elder, ayaa wuxuu sheegay in Boolisku uu gacanta ku haayo kiiska labada ruux ee la dilay, ayna baarayaan cidda dilka geysatay iyo waxa keenay.

John Elder oo la hadlay Warbaahinta Mareykanka, ayaa wuxuu xaqiijiyay labadaan qof in la dilay, xilli ay saarnaayeen gaari meel Parking ah yaalay. Gaar ahaan 3000 block ee 27th Avenue South.

Ninka dhalinyarada, ayaa lagu magacaabi jiray Daahir Axmed Shire, iyadoo gabadha la dilayna magaceeda lagu sheegay Tahani Erbob.

Soomaalida Minnesota, ayaa si weyn u hadalheysa dhalinta lagu dilay Magaalada Minneapolis, iyadoo ay Soomaalidu kuu sheegeyso in ninka la dilay dhowaan laga soo sii daayay xabsi, halka gabadhuna ay ahayd ardayad, isla-markaana shaqeyneysay











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog